Waxaa bilaamaya kulamada kooxaha marshuuca SAVIOR todobaadka 37 aad (12 – 18.9.2022)

Ma kusoo marey furriin mase ku talo jirtaa? Ma u baahan tahay taageero iyo talo, si aad u maareyso nolol maalmeedkaaga, ma u baahantahay waxqabad kooxeed wadajir ah, oo laga yaabo in ay bedesho saameyta furriinku keenay. Mase dareentaa inaad ka faa’iidaysanlahayd ama u faa’iideynlahad dadka kale ee isku xaaladdatihiin? Furiinku maskaxdaada ma ku soo kordhiyeen su’aalo la xidhiidha daryeelka carruurta? 

Haddaba si’aad su’aalahaas iyo kuwa kaleba xal ugu heshid, kaalay oo ku soo biir kooxaha mashruuca SAVIOR! 

Kulamada kooxaha mashruuca SAVIOR waxay bilaamayaan todobaadka 37 ( 12.– 18.9.2022).  Kooxuhu waxay kulmayaan hal mar todobaadkiiba.

Hadafku waa taageerida nololwanaagga iyo nololmaalmeedka wanaagsan ee qoysaska furriinka kaddib iyo inla siiyaan carruurta iyo waalidiinta taageero ku saabsan arrimaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta carruurta.

Waa talo wadaag qorshaha kooxaha mashruuca SAVIOR iyadoo lagu salaynayo baahiyaha iyo rabitaanka xubnaha kooxaha, qofkasta oo kooxaha kamid noqda wuxuu wax ka diyaarinaya qaabka iyo nimaamka kulama iyo kooxaha,si wadajir ah ayaan uga wada tashaynaa yareynta sameeynta xaalad furriinku keeni karo. 

Ma doonaysaa in aad waalid ahaan waxqabadkeenna uga qaybqaadato, mutadawac ka noqoto mashruuca ama aad nagala hadasho arrimo mashruuca, kaalay oo anala soo xiriir.

Kooxda aabayaasha iyo carruurta talaado kasta laga bilaabo13.9.2022 wakhtiga12-15

Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay aabayaasha iyo carruurtooda. Fursad lagula kulmi karo aabayaal iyo carruur kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda iyo xoojinta doorka uu aabuhu ku leeyahay nolosha carruurtiisa. Haddii aysan suurto gal ahayn aabe in uu ka soo qayb galo, waxaa ka soo qayb galikara awoowe, adeer ama abti si’ ilmuhu u helo waalid nin ah oo booskaas u buuxiya.

Kooxda hooyooyinka arbaco kasta laga bilaabo 14.9.2022 awakhtiga: 12-15

Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay hooyooyinka. Fursad lagula kulmi karo hooyooyin kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda nololwanaagga iyo awoodda waxqabadka hooyooyinka ee nololmaalmeedka caadiga ah. Inta lagu jiro kulamada kooxaha, waxaa hooyooyinka loo haynayaa carruurta.

Waxaa lagu bilaabi doonaa bilowga hore xarunta Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Somaliliiitto) Haukilahdenkatu 2D, 00550 Helsinki, kooxaha baa ka tashan doona meelaha xigga ee lagu qabdoono kulamada xiga.

Waxqabadka mashuurca SAVIOR kusoo dhowow gacmo furan iyo qalbi furan.

Shaqaalaha mashruuca nala soo xiriir:

Iskuduwaha mashruuca Erasmus Häggblom
erasmus.haggblom@somaliliitto.fi
050 566 3318

Shaqalaha mashruuca Abdule Mahamed
abdule.mahamed@somaliliitto.fi
050 569 6078