Mashruuca “Fursadaha Isku Midka ah ee Dhallinyarada” (SAMANU), oo ay fulinayso Ururka dalada Soomaalida ee Finland, waxaa loogu talagalay in lagaga hortago dhalinyarada Soomaaliyeed ee da’doodu tahay 13-29 inay ku biiraan kooxaha dembiyada ku dhaca iyo in la kordhiyo sidey qeyb uga ahaan lahaayeen bulshada. Waxqabadka mashruuca oo kala duwan waxaa ka mid ah hagid, booqashooyinka dadka qibradaha kala duwan leh, iyo ineynu qeyb ka haano halka ay dhalinyarada ku kulmaan, si uga caawino waxyaabaha dhalinyarada la soo gudboonaado. Ujeeddadu waa in la siiyo dhalinyarada macluumaad, taageero, iyo tusaalooyin wanaagsan, si loo xoojiyo dareenkooda ka tirsanaanta bulshada iyo in la dhiirigeliyo isdhexgalka bulshada. Mashruucu wuxuu leeyahay iskaashi lala yeesho daneeyayaal, sida qeybta ka hortagga ka hor inteysan wax dhicin ee Magaalada Helsinki iyo Aseman Lapset. Mashruuca wuxuu la kulmi doonaa sanad walba 300-450 dhalinyaro ah magaalooyin kala duwan ka soo jeeda sida Helsinki, Espoo, Vantaa, iyo Turku.
Shaqaalaha mashruuca nala soo xiriir:
Salahudin Elmi
salahudin.elmi@somaliliitto.fi
+358 50 30 64 287
Mohamed Hussein
mohamed.hussein@somaliliitto.fi
+358 50 43 97 526