Siminaar ku saabsan luqadda soomaaliga oo ka dhacay xarrunta soomaaliyeed ee Suomen somaliliitto ry (+sawirro)

Waxaa siminaar ka dhacay xarunta midnimda soomaaliyeed ee Finland Suomen somaliliitto ry. Siminaarkaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen suomen somaliliitto iyo Väestöliitto. Siminaarkan waxaa marti ku ahaaSiminaarkan oo qaatay dhowr saacaddood waxaa ka qaybgalay dad kal duwan oo isugu jira bulashda qaybaheeda kala duwan. Waxaa siminaarkan furay guddoomiha jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland Cabdirashiid Cawed Diiriye,

Guddoomiyuhu wuxuu ka warbixiyey faa’iidad luqadda soomaaligu u leedahay carruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday sida Finland doorka weyn uga ciyaarayso horumarinta luqadda soomaaliga iyadoo sidoo kalena Finland marti geliso bandhiga buugta ee lagu qabto sanad kasta Finland. Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamed Macallin oo ka socdey hay’ada väestöliitto isagoo isna ka warbixiyey waxay hay’adu qabato iyo siday u caawiso qoysas badan oo soomaaliyeed, iyo isagoo aad ugu dhiirigeliyey bulshadii halkaas isugu timi in layskaashado.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Dr. Georgi Kapchits oo ku takhasusey luqadda soomaaliga. Wuxuu af-Soomaaliga ka dhigi jirey Jaamacadaha Moscow iyo Barliin. George wuxuu ka waramay hodantinimada luqadda iyo dhaqanka soomaaliga. George wuxuu ururshey in ka badan 35000 oo maahmaahyo soomaali ah. Wuxuu dadkii halkaas isugu yimi ugu qudbadeeyey luqadda soomaaliga isagaa aan laga garanayn nin luqadda ajaanib ku ah. Wuxuu waalidiinta soomaaliyeed ku booriyey in carruurtooda ugu da’daalaan sidii u bari lahaayeen luqaddooda iyo dhaqankooda, maadaama ayuu yiri uu mihiim u 

Waxaa siminaar ka dhacay xarunta midnimda soomaaliyeed ee Finland Suomen somaliliitto ry. Siminaarkaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen suomen somaliliitto iyo Väestöliitto. Siminaarkan waxaa marti ku ahaaSiminaarkan oo qaatay dhowr saacaddood waxaa ka qaybgalay dad kal duwan oo isugu jira bulashda qaybaheeda kala duwan. Waxaa siminaarkan furay guddoomiha jaaliyadda soomaaliyeed ee Finland Cabdirashiid Cawed Diiriye,

Guddoomiyuhu wuxuu ka warbixiyey faa’iidad luqadda soomaaligu u leedahay carruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan Finland. Wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday sida Finland doorka weyn uga ciyaarayso horumarinta luqadda soomaaliga iyadoo sidoo kalena Finland marti geliso bandhiga buugta ee lagu qabto sanad kasta Finland. Waxaa isna halkaas ka hadlay Maxamed Macallin oo ka socdey hay’ada väestöliitto isagoo isna ka warbixiyey waxay hay’adu qabato iyo siday u caawiso qoysas badan oo soomaaliyeed, iyo isagoo aad ugu dhiirigeliyey bulshadii halkaas isugu timi in layskaashado.

Waxaa isna halkaas ka hadlay Dr. Georgi Kapchits oo ku takhasusey luqadda soomaaliga. Wuxuu af-Soomaaliga ka dhigi jirey Jaamacadaha Moscow iyo Barliin. George wuxuu ka waramay hodantinimada luqadda iyo dhaqanka soomaaliga. George wuxuu ururshey in ka badan 35000 oo maahmaahyo soomaali ah. Wuxuu dadkii halkaas isugu yimi ugu qudbadeeyey luqadda soomaaliga isagaa aan laga garanayn nin luqadda ajaanib ku ah. Wuxuu waalidiinta soomaaliyeed ku booriyey in carruurtooda ugu da’daalaan sidii u bari lahaayeen luqaddooda iyo dhaqankooda, maadaama ayuu yiri uu mihiim u yahay.