Shir lagu soo qaatay wax qabadka Somaliliitto sanadka 2010 oo lagu qabatay Masaajidka Pasila

Shir kaas oo lagu soo bandhigay wax qabadka Ururka Somaliliitto sanaka 2010 si ay u ogaadaan  dadka xubnaha ka ah   iyo dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland .

Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed Abdirashid Awad ayaa sheegay in ay soo booqan doonaa Gobolada Dalka si ururka waxqabadkiisa iyo meeshuu marayo loola socodsiiyo. dhaaman Bulshada Soomaaliyeed ee iyagu dagen Gobolada , waxaa kaloo uu sheegay in  ururku uu  qaban-doonaa shirar joogta ah oo bulshada lagu war-gelinyo taas qayb ka ah midaynta ummadda soomaaliyeed ee wadankan ku nool.