Waxaa xarunta somaliliitto ka dhacay 22.12.2010 siminaar looga hadlayey waxyaabaha sababi-kara in qofku isku buuqo, welwelka iyo sida caawimada loo raadsado wakhtiga ku haboon. Siminaarkan waxaa si wadajira u qabtay somaliliitto iyo Mielenterveyseura.Waxaa jira isbedelo badan oo qofka bina’aadamka ahi maro, kuwaas oo qaarkood noqon-karaan kuwo saamamayn ku yeesha xagga maskaxda. Sidoo kale qof wadan ka haajirey oo wadan kale u haajirey wuxuu isna la kulmaa dal-tabyo , taas oo sababi-karta welwel iyo walaaac. Hadaba siminaarkani wuxuu ku saabsanaa sida waxyaabahaas looga hortago iyo haday timmaado meeshii iyo wakhtigii caawimada la raadsan-lahaa.
Hadaba waxaa jira koorsooyin arrimahan la xidhiidha oo ay bixiso hay’addan magaceeda la yiraahdo Mielenterveysseura oo ka dhici-doona xarrunta soomaaliliitto ee qofkii danaynayaa hala soo xidhiidho xarunta somaliliitto..
Webmaster
Mohamed Bashir
You must be logged in to post a comment.