Lacagtii xubinnimada(vuoden 2011 jäsenmaksu)

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan xubnaha sharafta leh ee somaliliitto in la gaadhey wakhtigii la bixin-jirey lacagtii xunimada taas oo weli dhan 10 €, waxaana laydinka codsanayaa in aad bixisaan ka hor intaanu dhicin shirweynaha somaliliitto oo ku beeggan  haddii Ilaaha awoodda lahi aqbalo bisha saddexaad taas oo maalinta la qabanayo gadaal laga soo sheegi-doono.  Waxaana lagu soo shubayaa akoonka somaliliitto ee ah sida soo socota: 147030-207244, waxaanad viestiga ku soo qortaa SSl jäsenmaksu vuoden 2011.

Waxaa kaloo la ogeysiinayaa in cid alaale iyo ciddii rabta in ay somaliliitto xubin ka noqoto ay iyana soo bixiso lacagta xubinnimada.

Waxaa sidoo kale la ogeysiinaynaa ururada aan weli bixin lacagtii xubinnimada in ay  soo shubaan 20 € oo ah inta ururada laga bixiyo. Waxay kaloo u furan tahay urur kasta oo somaliliitto raba in uu  xubin ka noqdo sanadkan 2011.

Mahadsanidin