Doorashada baarlamaanka Finland ee 2011 (Eduskuntavaalit)

Waxaa wadanka Finland ka dhicidoona doorashadii baarlamaanka maalinta axadda ah 17.4.2011. Taariikh ahaan baarlamaankii ugu horeeyey ee Finland waxaa la doortay 1907. Waxaa afartii sanaba la doortaa baarlmaanka wadanka Finland. Hadaba Finland waxaa ka dhacaysa doorashadii 36-lixaad  axadda 17. bisha afraad 2011. Doorashada hordhaca ahna waxaa laga qabanayaa wadanka Finland 6.4.-12.4. wadanka debaddiisana 6.4.-9.4. Dadka musharaxiinta ah waxaa laga rabaa in ay musharaxnimadooda gudbiyaan ugu danabayn 8 bisha saddexaad. Doorashadan waxaa lagu dooranayaa 200 oo baarlamaanka wadanka Finland ah.  Baarlamaanka ayaa doorta af-hayeenka baarlamaanka kadibna Madaxweynaha ayaa fura maalmaha dowlada.Waxaa Ururka Midnimada soomaaliyeed ee Finland qabanqaabin-doona haddii Ilaahey idmo kulamo iyo isaragyo arrintan ku wajahan si ummaddu uga wada naqaashto doorashada foodda inagu soo haysa.Waxaa kaloo ururku halkan idinka kala socodsiin doonaa wax alaale iyo wixii ku saabsan doorashada. Wuxuu ururku ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan doorashada isla markaana siddii qof walibana codkiisa dhiiban lahaa.

Yaa codayn kara doorashada baarlamaanka?

Doorashada baarlamaanka waxaa codayn-kara qofkasta oo muwaadin ah da’diisuna tahay 18 jir. Taas macnaheedu waxay tahay qofku ma codayn karo, haddii aanu haysan dhalashada finnishka.

Siddee u codayn-karaa?

Waxaa guriga kuugu soo dhacaysa waraaqdii doorashada, taas oo laguugu sheegayo meesha aad ka codaynayso. Tusaale ahaan waxaa ku qoran meesha aad ka codaynayso ciwaankeeda iyo magaceeda.

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa xusbiyadda wadanka ka jira iyo mabaadidooda:

Suomen Sosialidemokraattinen Puolue
Suomen Keskusta
Kansallinen Kokoomus
Ruotsalainen kansanpuolue
Suomen Kristillisdemokraatit (KD)
Vihreä liitto
Vasemmistoliitto
Perussuomalaiset
Suomen Kommunistinen Puolue
Suomen Senioripuolue
Rauhan ja Sosialismin puolesta – Kommunistinen Työväenpuolue
Itsenäisyyspuolue

Halkan kala soco hadba wixii ka soo kordha doorashada.