TYÖTÄ, TIETOA JATYÖVOIMAA-projekti
Waxaa dhowaan xarunta Somaliliitto lagu qabandoonaa wargelin taxane ah oo usbuuciiba hal mar ah, lana xiriirta arrimaha shaqada iyo waxbarashada!
Dhacdadan waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabinaya TTT-projekti iyo Somaliliitto. Inta ay dhacdooyinkaan socdaan waxaa la baranayaa habka shaqo raadiska, udiyaar garoobida waraysiyada shaqada, sida codsiga shaqada loo qorto, iyadoo la isticmaalayo kumbuyuutarka
Kaalay oo dhegeyso, waydii, oo kala sheekayso arrimaha la xiriira shaqada iyo adeegyada la xiriira shaqada iyo waxbarashada.
Waxaa intaas dheer barashada ama tusidda habka shaqada looga raadsado ama looga dalbado Internetka !
Goobtu wa xarunta Somaliliitto
Sustie 2-6, 00800 Helsinki
Bisha febraayo 4 jeer maalin kasta oo arbaco ah.
2.2.2011 Arbaco 9-12
9.2.2011 Arbaco 12-16
16.2.2011 Arbaco 9-12
23.2.2011 Arbaaco 12-16
Kaalay oo nala wadaag waayo-aragnimadii laga dhaxlay habka shaqo u tababarida ee mashruuca TTT-projekti, habkaan oo ay boqolaal qof oo jaanib ahi ka faa’iideen !!
Munaasabadaan waxaa laga yaabaa inaad ka heshid macluumaad kaa maqnaa oo kuu hor seedi kara inaad shaqo ama waxbarasho heshid.
You must be logged in to post a comment.