Golihii-dhexe ee somaliliitto oo shir sanadoodkoodii koowaad ka dhacay xarunta somaliliitto

Suomen somaliliiton valtuutettujen  kokous 5.2.2011

Waxaa maanta xarunta somaliliitto shir ku yeeshay Golaga dhexe ee ururka midnimada soomaaliyeed ee Finland Suomen somaliliitto. Shirkan oo ahaa shirkii koowaad oo qayb ka ah shirarka ururku qabto sanadkii. 

Ula jeedada shirkanina wuxuu ahaa in guddigu fulintu ku soo bandhigo waxqabadkii sanadkii 2010 iyo qorshe sanadeedka 2011. Shirkan wuxuu biloday saacaaddu markay ahayd 16.00 kaas oo si habsami leh ugu soo gabagaboobey saacaddu markau ahayd 20.30 fiidnimo.