Kulan hordhac ah oo looga hadlayey arrimaha doorashada oo ka dhacay Somaliliitto

Vaalikeskustelu Somaliliitossa

Waxaa maanta oo bishu tahay 13.2.2011 ka dhacay xarunta somaliliitto kulan mihiim ah oo looga arrinsanayey arrimaha doorashooyinka. Waxaa kulankan ka soo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay kamid yihiin masaajidada aqoon yahanka ururada, dhalin yarada. Waxaa kulankani hordhac u ahaa kulanka doorashada ee lala leeyahay 22.2.2011 musharaxiinta soomaaliyeed ee ka dhacaya Caisa. Waxaa hadaba kulankani ku saabsanaa dood cilmiyeed ku aadanayd siddii doorashada baarlamaanka ee foodda inagu soo haysa looga qaybgeli lahaa iyo siddii bulshada si buuxda ugu codayn lahaa.

Waxaa habada naqaash ka dib lagu soo gabagabeeyey in la sii xoojiyey kulamada lala leeyahay bulshada qaybaheeda kala duwan isla markaana soomaalidu codkooda u dhiiban lahaayeen. Waxaa shirku bilowday 16.00 waxaanu soo gababoobay 19.30 fiidnimo.