Koorso lagu tababaray 7 qof oo hagayaal ah oo somaliliitto lagu soo gabagabeeyey

Waxaa xarunta Suomen somaliliitto lagu soo gabagabeeyey tababar u socdey todoba qof oo soomaali ah kuwaasoo baranayey habka xirfaddeed ee hagaanimo. Waxaa qofka tababarkan qaatay awood u leeyahay in uu sii tababaro dadka kale ee shaqo laawayaasha ah. Waxaa lagu bartay sida shaqada loo raadsado, sida Cv-ga loo qorto, sharciyada iwm, waxaana intii tababarkani socdey helay shaqo tababar ah hal qof.

Waxaa xagga mashruuca ee magaciisa la yiraahdo TYÖTÄ, TIETOA JATYÖVOIMAA-projekti ka socdey Ulla korhonen, Eeva iyo Cali Xasan Maxamud.
Waxaa si wada jira isaga kaashaday Helsinki kaupunki mashruuca TYÖTÄ, TIETOA JATYÖVOIMAA-projekti iyo Suomen somaliliito.