Kulan ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka oo ka dhacaya STOA-Itäkeskus

Waxaa bishan markay taariikhdu tahay 24.3.2011 saacadda 17.00 ka dhacaya xarunta dhaqanka ee STOA kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo siday dadka wadanka u soo haajirey door mihiim ah uga qaadan lahaayeen.

Hadaba waxaan ku dhiirgelinaynaa dadkeena soomaaliyeed in ay doorashadan codeeyaan dhammaan dadka soomaaliyeed ee haysta baasaboorka wadanka isla markaana la socdaan oo ay ka qaybgalaan meellaha lagaga hadlayo arrimaha doorashada si ay qofka ugu fududaato in uu si fudud go’aan ugu qaato qofkii uu codkiisa siin-lahaa.