Shilalka dabka ka dhasha Finland sanad kasta

TOIMINTA HÄTÄTILANTEESSA

                

    Finland waxaa sanad walba u dhinta dabka ka kaca guryaha ilaa 90 qof. Waxaa hadaba jira khasaarooyin ka dhasha sababna u noqda in loo geeriyoodo, taas oo ay qayb weyn ka tahay hadba sida loo dhaqmo marka khatarta dabka ahi timaado. Waxaa hadaba jira tallaabooyin la qaado marka khatarta dabka ahi timaado taas oo lagaga badbaadi karo khatar ka timaado dabka ama qiiqa dabka ka dhasha.
    BADBAADI sida ugu dhakhsaha badan waxaad badbaadin-karto. DEMI haddii aad awoodid waxa gubanaya si taxadar leh, KA DHEEROW meesha gubanaysa. XIDH ALBAABADA IYO DAAQADDAHA.
     DADKA KALE U DIG
    WAC NAMBARKA 112
    KU SOO HOGGAAMI damdemista meesha wax ka dhaceen
    HA AADIN JARANJARADA QIIQA LEH!
    SIDAN  AYAAD U WACAYSAA GARGAARKA DEGDEGGA AH
    1. Wac nambarka gargaarka degdegga ah, haddii aad awoodid.
    2. Sug inta qolada gargaarka degdegga ahi kuu jawaabayaan.
    3. U sheeg ciwaanka oo aad ka fiirsatay iyo meesha uu magaalada kaga yaal.
    4. Dhegeyso oo ka jawaab hadba su’aalaha lagu weydiiyo.
    5. U hogaansan waxay qolada gargaarka degdegga ahi kuu sheegaan.
    6. Ha deminin telefoonka haddaanay kuu fasaxin.
    7. Si fiican ugu soo hagaaji meesha wax ka dhaceen.
    8. Haddii wax isbedelaan mar labaad wac.
    OGOW! Nambarka gargaarka degdegga ahi waa lacag la’aan umana baahna in furaha magaalada lagu daroSidoo kale nambarka gargaarka degdegga ah marka la wacayouma baahna kaadhka telefoonka iyo weliba nambarka lagu furotelefoonka (pin-koodia). Tan macnaheedu waxay tahay in aad telefoonkaaga wici kartid xitaa haddii aanu khadku shaqaynayn.