Siminaarkan waxaa iska kaashaday Ururka SPA iyo SSL waxa uuna ku sabaasanaa barashada xisaabinta daqliga soo gala Ururada iyo sida loo maamulo borogaraanka xisaabkirka lagu saameeyo ee Kirjan pitaja.
Koorsadan aqoon kororsiga ah ayaa waxaa kaloo lagu bartay sharuucda dhaqaalaha iyo waxayaabaha looga baahanyahay xubnaha mas,uulka ka ah ururada , iyo shuruucda ay wax ku maamulaan ,isagoo socoday ilaa 8 saacadood , waxaana ka soo qaybgalay Ururo dhoow ah ku waa soo kala ah.
- SOMALILIITTO ry
- SIRAr ry
- SORASOD ry
- SSDHDA ry
- SSN ry
- DAHOR SEURA ry
- SOMALIHUMINTERIAN ry
Guud ahaan xubnihii ka socday Ururadan ayaa waxay ka faa iidaysteen sida loo sameeyo xisaab xirka iyo daqliga soo gala Ururka sida loo maamulo iyagoo dhamaantood isku wada raacay in kooraskan uu ahaa mid faa,iido weyn xanbaarsanaa iyadoo mar-labaad ka dalbaday in loo qaban qaabiyo kooraskan.
You must be logged in to post a comment.