Dowladda Finland oo lagu heshiiyey

 

Waxaa sidaynu la socono muddo dheer qaadatay magacaabista xukuumadda Finland, taasoo in ka badan laba billood ay socotey wada hadal u dhexeeya xusbiyada kala duwan ee wadanka ka dhisan si wadanka dowlad loogu magacaabo. Guddoomiyaha xusbiga ku guuleystey doorashada Jyrki Katainen (kok) oo ka soo jeeda xusbiga Kokoomuska ayaa muddoba wuxuu waday sidii uu u soo dhisi-lahaa dowlad wadaag, taas oo aan marar dhowr ah suuroobin. Waxaase maanta u suurogashay in uu soo dhiso dowlada ay ku bahooobeen xusbiyada kala ah KOKOOMUS, SDP, RKP, KDR, VIHREÄT, VASEMMISTOLIITTO.

Waxaa iyagu aan ka qaybgelin xukuumadda labada xusbi ee kala ah KESKUSTA iyo PERUSSUOMALAINEN. Wasiiradda cusubi waxay ka kooban yihiin 19 wasiir iyadoo wasiirkii ajaanibka (MAAHANMUUTTOMINISTERI) uu gebi ahaanba meesha ka baxay. Waxaa hadaba lixda xusbi ee ku bahoobey dowladda uu hoggaaminayo Jyrki Katainen ka kooban yihiin sidan:

Kokoomus:
1. pääministeri
2. sosiaali- ja terveysministerin
3. elinkeinoministerin
4. Hallinto- ja kuntaministerin
5. ulkomaankauppa- ja Eurooppa-ministerin iyo
6. weliba maa- ja metsätalousministeri.

SDP
1. Ulkoasiainministerin
2. Peruspalveluministerin
3. Opetusministerin
4, Työministerin
5. Asunto- ja viestintäministerin qays ku jira.
6. Valtionvarainministerin

VIHREÄT

1. Kehityspolitiikka ja omistusohjausasiat
2. Ympäristöministeri

Vasemmistoliitto

1. Liikenneministeri
2. Kulttuuri- ja urheiluministeri

RKP

1. Polustusministeri
2. Oikeusministeri

Waxaa la filayaa in maanta qaar ka mid ah wasiiradda magacyadooda lagu dhawaaqo

Waxaa laga soo xigtey Hs