Ururka Midnimada Soomaaliyeed oo sanadkan qabanqaabiyey meel lagu kulmi karo

Waxaa ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Suomen Somalialiitto ogeysiinayaa dhammaan jaaliyadda soomaaliyeed in maalinta ciidda ururku qabtay goob laysugu iman-karo loogana faa’iideysan-karo waxyaabo fara-badan, taas oo aanu ugu talagalay in Ciidda dadku helaan meello kala duwan oo ay ku kulmaan.

Meeshani waxay ku taallaa Pihlajamäki waana puisto ama goob lagu kulmo. Waxaa halkaas idiinku diyaara shaqaale idinka caawinaya hadba wixii aad u baahataan ee la xidhiidha goobtan iyada ah, shaqaalaha qaar waa soomaali oo  aad luqaddiina hooyo kula macaamili-kartaan.

Waxaa halkaas ka helaysaan meel carruurtu ku ciyaarto waxaana meesha diyaar ku ah leexooyin carruurta loogu talagalay,  waxaa kaloo carruurta loo qabanayaa tartan kubadda cagta ah.  Waxay leedahay baaskiiladii lagu ciyaarayey. 

Meeshu waxay bilaamaysaa 12.00 duhurnimo waxaanay dhammaanaysaa 20.00 habeenimo ee fiidkii ah.

Hadaba waxaan idin leenahay ka soo qaybgal wacan!

Waxaa taga basaska 71 iyo 79. Waxaad pihlajamäki ka soo raaci-kartaa 71 ama 79. Xagga Malmi laftigeeda waxaad ka soo raaci-kartaa 79.

Suomeksi

Parhaiten pääset puistoon busseilla 71 ja 79. (Rapakivenkujan pysäkki)Voit myös tulla Pukinmäen asemalle, siitä on kilometrin kävelymatka puistoon. Pukinmäen asemalle ja sen läheisyyteen tulevat bussit: 52A, 54, 54B, 69, 72, 512, 512A. Junat T, N ja I pysähtyvät Pukinmäen asemalla.

 Wixii Intaas dhaafsiisan kala xidhiidh Yasin Cabdi Raage iyo Yaasin Gaas iyo telefoonada hoos ku qoran:

Raage 0443281271 iyo Yasiin Gas 0417092017