Somaliliitto oo kulan la yeeshay madaxda magaaladda Lieksa.Muxuuse ku saabsanaa kulankaasi?(+Sawirro)

Suomen Somaliliitto kävi lieksan kaupunigissa 28.10.2011

Ururka Somaliliitto oo ah urur ay ku midaysan yihiin Jaaliyadda Soomaalida Finland aay waxa uu kulan la yeeshay guddoomiyaha degmada Lieska Esko Lehto,Sakrataariyaha magaalada Matti Taponen iyo madaxa arrimaha buslhada Soili Syrjälainen.

Wafdiga halkaasi tagay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururka Somaliliitto Eng: Abdirashid Awad Dirie iyo ku xigeen kiisa Abdi aziis Godah , lacag hayaha ururka Somaliliitto Muuse Omar.

U jeedada socdaalkan ay ku gaareen mas’uuliyiintan ayaa ahayd codsi uga yimid jaaliyadda Soomaalida Lieska oo qaar ka tirsan ay la kulmeen qalalaaso xagga nabad gelyada ah ,si ay uga wada hadlaan maamulka Lieska eedeemaha ay sheeganayaan dadkaasi .

Gudoomiyaha ururka Somaliliitto Abdirashid Awad Dirie ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka degmadda Lieska iyo la kulanka madaxda maamulka oo uu ugu horeeyo Esko Lehto.Waxaan nahay hogaanka ururka Somaliliitto,waana urur ay ku midayasan yihiin dhamaan jaaliyadda Soomaalida Finland , aqoonsi caalami ahna ka haysta dowladda Finland .

Itaasi kadib mudane guddoomiye iyo madaxda kalaba waxaan halkan u nimid cabasho nooga timid jaaliyadda Soomaalida Lieska ,waxayna inoo sheegay in wax yeelo la gaar siiyay qaar iyaga kamid ah , iyagoo dhib ka sheegtay dadka wadanka u dhashay sidaasi daraadeed maadaaba aynu nahay mas’uuluiinta jaaliyadda waxaanu codsanynaa in la saxo qaladaadka si ay dadka idiin soo guuray ay u dareemaan xoriyad , isla mar ahaantaana baaritaan lagu sameeyo wixii horay u dhacay,waxaana rajaynaa in aad naga aqbali doonaataa codsigan waxna ka qabataan arrimahan si aysan mar-labaad u soo noqon.Waxaana u mahadcelinayaa madaxda maamulka Lieska iyo jaaliayadda Soomaalida Lieska sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen.

Waxaa hadalkii qaatay guddoomiyaha degmadda Lieska Esko lehto isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanahay imaantinka ururka Somaliliitto ee magaaladda Lieska .

Haddii aan taariik kooban idin ka siiyo maagaalada Lieska , waxaa kunool 12000 oo qofood ,dadka aan u dhalan wadanka qoomiyadda ugu badan waa Soomaalida ,annaga ayaa deegaanka siinay ,u jeedaduna waxay ahayd in maalagadda Lieska ay noqoto magaalo ay kunoolaan karaan dad yow kala dhaqan duwan, qofkastana uu helo nabad gelyo buuxda sida uu dhigayo sharciga dowladda Finland, waana nabad gelyo magaalada Lieska ,balse haddii qof ka mid ah Soomaalida kunool Lieska ay wax soo gaaran maahan in magaaladda Lieska aysan ahayn magaalo aan nabdoonayn ,ee qof wax magarad ah wax yeelo wuu gaysan karaa ,xalkeeduna waxay u taalaa waaxda arrimaha nabad gelyada , waxaana filayaa in ay baaritaano wadaaan ciddii falkasi gaysatay waxna waa laga qaban

Waxaan kaloo ku kordhinayaa dadka cabdsida ka qaba in ay wax soo gaaraan in aad la soo xiriirtaan Booliska ,si loo baaro waxa dhacay .

Guddoomiyaha degmadda Lieska wuxuu hadalkiisa ku soo koobay ,waxaan la dar daarmayaa jaaliyadda Soomaalida Lieska ,ha la is dajiyo magaaladdu waa nabad cid wax idiin dhimi kartaana ma jitro ,qofkii wax idiin dhimaana ciidanka amniga ayaa gacan bir ah ku qabanayna ee u soo sheega cidda wax idiin dhimaysa ,idinkuna ha soconina xilayada danbe ,maxaa yeelay waxaad ka bad baadaysaan dadka xun xun oo dhan .

Madaxa arrimaha bulshada ee Lieska Soili Syrjälainen ayaa halaasi ka hadashay waxayna tiri aad ayaan ugu faraxasanahay imaanshaha Soomaaliliitto ee magaalada Lieska,waana sugaynay in aad noo imaanaysaan ,haddii aan u soo noqodo u jeedada kulankan waxaan filayaa in aad ku timaadeen ,cabasho idin kaga timid Jaaliyadda Soomaalida Lieska ,waxaan oran karaa waxbaa ka jira cabashooyinka ay sheeganayaa,waxaana keenaysa dadka u dhashay dalka ma aysan arki jirin dad qaaraya 200 oo qof oo hal wadan ah,oo soo dagay magaaladooda ,waxayna u haystaan in looga roonaansha badan yahay iyaga ,dhibkana tuhun kaas ayaa keenay ,mana jirto wax kala sarayn ah oo ka jirto magaalada Lieska .

Wadanka Finland waa isku sharci dadkuna waa isku xaquuq ,waxaan samayn doonaa kulamo aanu kaga hadli doono in aan dadka wadanka u soo guuray uu san ka xaquuq badan dadka wadanka u dhashay ee waxa la isi siiyaa ay yihiin wax sharcigu uu dhigayo.Waxaad ku qanadaan haddii aad tihiin jaaliyadda Sooomaalida Lieska, in aad is da jisaan wixii dhib idiin gaystana aad u soo sheegtaan Booliska iyo Jaaliyadda Soomaalidda Lieska oo uu guddoomiye ka yahay Mukhtaar Maclin Nuur si loo xaliyo arrin kaasi.Waxaan u mahad celinayaa madaxda ururka Somaliliitto sida xilkasnimada ah ee aad u gudanaysaan waajibaad kiina waxaana idin leeyaha mahadsanidiin.

Waxaasi sidoo kale goobtaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaaliaydda Soomaalida Lieska Mukhtaar Macalin Nuur ,isagoo u mahad celiy maamulka magaalada Lieska iyo madaxada ururka Soomaaliliitto, isagoo sheegay in maamulka Lieska ay u la dhaqmaan si xushmad leh isla mar ahaantaasna ay ka war qabaan ,wax dhib ah kuma qabno magaalada Lieska iyo madaxdeeda waana iska war qabnaa oo iyagaa noo sameeyay jaaliyaddan Lieska ,weyjiraan dad innaga naga mid ah oo wax tabanayaa waana u shgeegnay hay,adda nabd sugidda wixii dhacay waxayna nagu yiraahdeen waanu baaraynaa wixii dhacay.

Mukhtaar ayaa uga mahadceliyay sida weyn oo ay isaga xilqaameen ka war haynta Jaaliyadda Soomaalida lieska ururka Somaliliitto.Waxaan awal u haysnay in aanan garab haysanin ee maanta waxaa inoo caddaatay in aan haysano garban waan ku mahadsan tihiin howsha aad u haysaan jaaliyadda Soomaalida Finland .

Gabagabdii kulankan ayaa ahaa mid ay si weyn uga soo qayb galeen dhamaan Jaaliyadda Soomaalida Lieska iyagoo halkaasi ka sheegtay wax yaabihii ay ku andocoonayeen ,waxaana kulan kaasi ka soo baxay in la iska kaashado nabadda degmadda Lieska ,wada shaqayna ay yeeshaan Somaliliitto iyo maamulka Lieska.

Lieska Magaalada Helsinki ayey dhinaca waqooyi ka xigtaa 528 km waxaana la aas aasay 1973. iyadoo wax soo saarkeedu ay ku tiirsan tahay dhinaca beeraaha iyo dal-xiiska.

( Hoos ka daawo Sawirrada)

Mohamed Bashir