Somaliliitto oo xustay sanad guuradii 94aad ee maalinta xornimada Finland 6.12.2011(+Sawirro)

Ururka minimada Soomaaliyeed ee Finland oo sameeyay  xaflad loogu dabaaldagayay xusidda maalinta xornimada Finland oo ku beegnay shalay oo  talaado ah 6.12.2011  iyadoo goobtaasi ay isugu yimaadeen dad aad u farabdan oo Soomaalida rer Finland ah iyo kuwo u dhashay wadanka Finland.

Waxaa hadal kooban ka jeediyay goobta xafladu ka dhacday guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Finland Injineer. Cabdiradhiid Cawad Diiriye isagoo hadalkiisii ku furay waxaan maanta isugu nimid in aan la qayb sanno farxadda wadanka aanu ku nool nahay ee Finland maalintii ay xurimada qaateen oo ah  maalin ku weyn shacabka rer Finland, inagu waxaynu ka mid nahay dadka ay qusayso farxaddaasi maa daaba aynu kunool nahay wadanka, waxaad og soon tihiin in Finland ay ka mid tahay wadama kaal mada ka geystay bad baadada shacabka Soomaaliyeed markii dowlad la aantu nagu dhacday iyadoo Finland ay ku nool yihiin 13000 oo qoomiyada Soomaalida ah marka labo loo qay biyana ay qaybi ay haysato jinsiyada  Finland.

Waxaa asidoo kale goobtaasi ka hadashay Dr.Xaawo Xaji Maxamed oo ka mid ah gabdhaha aqoon yahanada ah ee in mud ahna kunoolaa wadanka Finland,iyadoo halkaasi ay ka jeedisay eroyo qiira geliyay dad weynihii goobtaasi isgu yimid ,waxaana hadal keedii ka mid ahaa. Anigu waxaan ahay maclimad waxaan wax-baraa ardayda Soomaaliyeed dugsiga hoose dhex dhigta, waxaan ogahay in ragga Soomaaliyeed ay intooda badan dayacan yihiin caruurtooda iyaguna ay ku mashquul san yihiin fadhi ku dirir iyo wax aan micno lahayn , ee waxaa iga dar daaran ah in ragga Soomaaliyeedoow aad fadhi ka kacdaan oo caruurta kula da,daashaan waxbarashad, haddii kale caruur tiina waxay noqon doonaa kuwa aan waxba qabsan karin idina aan waxba idiin tari karin .

Waxaa sidoo kale xafladaasi shahaado sharaf lagu guddoon siiyay Mukhtaar Maxamed (Xabiib) oo loo aqoon saday in uu yahay shaqsiga sandka ugu wax tarka badnaa bulshada Somaaliyeed ee Finland iyadoo guud ahaa dad  weynihii goobtaasi isugu yimid ay wada qireen in Mukhtaar uu istaahilo shahaadadan ay u garatay ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland isagoo ay ku magacoowday shaqsiga sadanka 2011 ee Finland taas oo uu ku mutaystay caawinta shacabka Soomaaliyeed ee Finland . Mukhraat ayaa goobta ka cadeeyay in uu aqbalay aqoon siga ay siiyeen walaalaha Soomaaliyeed ee Finland,isagoo hadlkiisa ku soo koobay Illaahay ha idin ka abaal siiyo wanaaga aad ii garteen anna waxaan ku da,daalayaa in aan sii labo laabo wax qabadka dadkeena Soomaaliyeed haddii alle-idmo.

Maalinnimadii shalay ahayd oo taariikh-duna ku beegnayd 6.12.2011 waxaa dalka Finland ka jiray u dabaaldaga sanaad guuraadii 94 ee ka soo wareegatay maalinta xorimada ay ka qaateen dadka Ruushka iyadoo Taleefishinada dadka lagu  soo qaatay madaxweynaha dadka Finland Tarja Halonen oo salaan sharaf la qaadanaysay dad weynaga Finland iyadoo guud ahaan shacabka rer Finland ayaa is weydaar sanayay salaan ku dheehan farxad.

Editing. Mohamed Bashir