Finland oo madaxweyne cusub dooratay

Presidentti Sauli Niinistö                      Puoliso Jenni Haukio

Waxaa maanta oo axadda ah doorashadii wadanka Finland ka dhacday lagu doortay Madaxweyne Sauli Niinistö, kaasoo xilka hayndoona lixda sano ee soo socota.Taariikhdiisa oo kooban Sauli Niinistö wuxuu ku dhashay magaalada Salo 24.8.1948. Wuxuu ahaa siyaasi ruug cadaa ah oo ka tirsan xusbiga Kokomus. Niinistö wuxuu xusbigiisa ka ahaa Guddoomiye sanadkii 1994-2001. Wuxuu xukuumadii Paavo Liponen ka ahaa Wasiirka Cadaaladda 1995-1996 iyo markii danbe oo uu noqday Wasiiru dowlaha 1996-2003. Niinistö wuxuu markii danbe u wareegay 2003-2007 Bangiga maaligelinta ee Europan Investointipanki (EIB) halkaasoo uu ka noqday ku xigeenka Bangiga. Niinistö wuxuu ahaa musharax Madaxweynenimo ee Xusbiga Kokomus sanadkii 2006. Niinistö wuxuu leeyahay xaas Jenni Haukio iyo laba carruur ahoo kala ah Nuutti 1975 iyo Mattias 1980. Niinistö wuxuu lahaa xaas hore taasoo shil gaadhi ku geeriyootay sanadkii 1995.