Jimco, Maarso 23, 2012 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee magaalada Abu-Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta aroornimadii hore ee saakay oo Jimco ah.
Col. Yuusuf oo 78-jir ahaa ayaa wuxuu soo noqday madaxweynaha Soomaaliya muddo afar sano ah, laga soo billaabo Oktoobar 2004 illaa Diseember 2008,
Madaxweynihii hore ayaa u geeriyooday xanuunno ka haleelay sambabada iyo kelyaha, waxaana sannadkii lasoo dhaafay dhowr jeer xanuun awgiis loo dhigay isbitaalka uu ku geeriyooday saakay aroortii hore. Ururka Midnimada ee Finland wuxuu tacsi u dirayaa dhammaan ummada soomaaliyeed meelkasta ay joogaanba.
Ilaahey waxaan uga baryaynaa in uu janada fardowsa ka waraabiyo dhammaan ummada soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.
You must be logged in to post a comment.