Kulan caruurta lagu badbaadinayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Jaaliyada Finland ee Soomaaliliitto

Kulan Looga hadlayay Difaaca caruurta ayaa ka dhacay magaalada Helsinki ee wadanka Finland

 

Kaasoo ahaa  sidii loowada difaaci lahaa caruurta iyo wadatashiy ay la yeelanayeen Soomaalida Degan Finland

Barnaamijka oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Midnida Soomaaliyeed ee Finland waxaana ka soo qaygalay agaasimayaal Masgaalooyika Helsinki ,Vaanta iyo Espoo iyo wasiirka Caafimaadka iyo Arimaha bulshada ee Dalaka Finland MsPaula Risikko

 

Ugu Horayn hadalka Waxaa Furay Gudoomiye kuxigeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Mudane Yaasiin Abdulrahman Rage, oo sheegay muhiimada uu lee yahay shirkani iyo baahida aanu uqabno sidii dhalaankeena loo badbaadin lahaa iyadoo aynu la socono in caruurta mararka qaar si qaldan loo qaato kiisas badana aanu ku guulaysanay

Kadibna waxa uu ku soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka iyo arimaha bulshada ee dalkan Finland Marwo Paula Risikko hadaladeedina waxaa kamid ahaa sidan:-

 

Waxaa kaloo ka  hadlay Agaasimayaashii hay ada Caruurta Badbaadisa ee magaalooyinka Helsinki Vaanta iyo Espoo iyo siyaasiga Soomaaliyeed oo isaguna Xafiiskaas ka shaqeeya  muqtaar Maxamed Abiib dhamaantoodna waxa ay ku dheeraadeen in lawada shaqeeyo laysuna soo gudbiyo fikradaha sida maanta oo kale manihin dad marwalba saxsan waa laqaldami karaa laakiin dadkii loo shaqaynayay ee wax sheegi lahaa waa idinka  waana idin ka mahad celinaynaa

Waxaana idin sheegayaa in nabarkii uu hoos udhacay ee qaadashada caruurta marka loo eego sanadkii tagay

 

Kadibna waxaa halkaasi iayguna ugudbiyay cabashadooda iyo talooyin kooda dadkii Soomaaliyeed ee Kulanka ka soo qaybgalay. http://www.youtube.com/watch?v=uT1KNx_V5OY