Xuskii Sanad guuradii 54 aad ee Maalintii Xoriyadda Somalia

IMG_0004IMG_0015

Xafladii kowada luuliyo ayaa waxaa Xarunta Ururka Midnimada umada Soomaaliyeed ee Soomaaliliitto uu qabtay Kulan afur iyo casho ahaa.

cashada iyo afurka ka horna waxaa wax layska waydiiyay oo layska xasuusiyo waxyaabihii la soo maray Gumaysiaga ka hor iyo kadib waxaana goobta ka hadlay aqoonyahano waxgarad dhalinyaro siyaasiyiin odayaal, waxaa kaloo nagala soo qaybgalay oo goobta ka hadlay Dalka Finland na marti inoogu ahaa Agaasimaha warbaahinta Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka hadlay waxa dalka uu haatan ku sugan yahay iyo muhiimada ay lee dahay kowda luuliyo waxayna u dhacday si wanaagsan

IMG_0009IMG_0037

Sanadguuradii 54 aad ee ka soo wareegatay Maalintii ay is raaceen goboladi waqooyi iyo kuwii koonfureed oo xor ah ayaa gabi ahaan meel kasta oo ay soomaali joogto laga xusay Dalka Finland waxay kamid ahaayeen dalalkii sida aad ka ah looga xusay sanadkana waxay ahayd sanad ka duwan sanadihii hore oo waxa ay ku soo aaday xili rabadaan ah oo dalka Finland laga soomayo mudo 22 saacadood ah waad garan kartaa hawshu inay adagtahay qabashadeeda iyo ka soo qaybgalkeeda hadana siwanaagsan ayay udhacday waxaana soo qaban qaabiyay Jaaliyada wadanka Finland .