Mashruuca SAVIOR wuxuu bilaabay talabixin khadka telefoonka ah ama chat:ka ah

Mashruuca SAVIOR wuxuu idiin diyaariyey talabixin khadka telefoonka iyo chat:ka ah oo dalka oo dhan ah, laga bilaabo 25.08.2022 isniin kasta iyo khamiis kasta saacada 10 – 15 , talabixintaas oo laga helayo macluumaadka iyo hagitaanka adeegyada.

Talabixinta kahadka telefoonka waxaa uga bogan kartaa luqadaha sida af somali, finnish iyo ingiriis. Lanbarada hoose ka dooro luqada aad rabtid in laguugu adeego.

Af finnish ama ingiriis lanbarkaan ayaa wicikartaa : 050 566 3318.

Afka somaali waxaa soo wicikartaa lanbarkaan: 050 569 6078

Chat:ka waxaa ka soo gali kartaa bogga somaliliitto.fi 

Fadlan nala soo xiriir haddii aad dareento in aad ubaahan tahay caawimaad, taageero ama talo!

Salaan,
Erasmus iyo Abdule
Kooxda mashruuca SAVIOR