Casumaad kulan sanneedka jaaliyadda 2022

Walaalayaal waxa ay jaaliyadda Somaliliitto idinku martiqaadeysaa inaad ka soo qeybgashaan kulan sannadeedka jaaliyadda ee 2022 “syyskokous”, kaasoo la qaban doono 08.10.2022 saacadda 17.00  xarunta jaaliyadda Somaliliitto, Haukilahdenkatu 2D, 00550 Helsinki.

Waxaa kale oo la idin xusuusinayaa maadaama uu dhamaanayo xilliga golaha dhexe ee hadda shaqeeya 2020/2022 in la qaban doono doorashada golaha cusub ee soo socda isla taariikhdaas kor ku xusan.
Sidaas darteed cid kasta oo xiiseyneysa ka mid noqoshada xubinnimada golaha isla markaana soo buuxiso shuruudaha looga baahan yahay ee ku xusan xeerka ururka, waa in ay codsigeeda soo dirtaa ugu dambeyn 05.10.2022. Codsiga waxaa lagu soo dirayaa emailka gudoomiyaha ee farriintaan kaaga timid, somaliliitto@somaliliitto.fi.

Ciddii horey usoo dalbatay ka mid noqoshada shirkii “kevätkokouska” ka hor wey diiwaangashantahay.

Agendaha Shirka: 1. Ansixinta  qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda 2023.
                 2.Doorashada xubnaha golaha dhexe iyo wixii kalee soo kordha.

Ugu dambeyn waxaan idinku boorinayaa inaan la iloobin qaaraanka xubinnimada ee sannadkan hadda socda 2022. Xubin shaqsi 20€,  xubin urur 30€.
Ku soo bixi qaaraanka xubinnimada akoonka hoos ku qoran adigoo mahadsan.

Somaliliitto Nordea Tili:    FI93 1387 3000 1072 97

GOLAHA MIDNIMADA SOMAALIYEED EE FINLAND.

KA SOO QEYBGAL WACAN