Haddii aad ka fekersantahay arrimaha la xiriira Badbaadada Carruurta, kaalay oo dhegeyso muxaadaro ku saabsan mowduucaas su’aalahaadana goobta la imow.
Muxaadarada waxaa soo jeedinaysa Jonna Lindqvist oo ah khabiir arrimahaas ku takhasustay.
Muxaadaradu waxay qayb ka tahay mashruuca Nololmaalmeedka Wanaagsan ee qoysaska Soomaalida furriinka kaddib (SAVIOR).
Qabanqaabada muxaadaradan waxaa iska kaashanaya Ururka Badbaadada Carruurta (Lastensuojelun Keskusliitto) iyo Xarunta Islaamka ee Helsinki (Helsinki Islam Keskus).
Uma baahnid in aad muxaadaradan iska soo diiwaangeliso ee toos ayaad u imaan kartaa. Waxaa kale oo aad uga qaybgeli kartaa khadka internetka. Af-Soomaali ayaa muxaadarada lagu turjumayaa.
Wakhtiga muxaadarada: 2.12.2022, saacaddda 17-19
Goobta muxaadarada: Xarunta Islaamka ee Helsinki (Masjidka Pasila)
Cinwaanka: Veturitori 2, HelsinkiSoo dhowaada!
You must be logged in to post a comment.