Warbixinta kulan wafdigii DFS iyo Jaaliyada Finland ee ka dhacay magaalada Helsinki

22.6.2025 – Magaalada Helsinki ee dalka Finland waxaa lagu soo dhaweeyay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, wafdigaas oo ay si diirran u soo dhaweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, gaar ahaan Golaha Midnimada Soomaalida ee Finland.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ayaa ku guuleysatay
inay qabato kulan wadatashi ah oo dhexmaray wafdiga
dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen
Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Abdullahi Sheikh
Ismaaciil 
iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Mudane Yusuf Ali Mohamed.

Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee Finland, sida madaxda jaaliyadda, aqoonyahanno, iyo xubno kale oo muhiim ah.

Guddoomiyaha Golaha Midnimada Soomaalida ee Finland, Mudane Abdulrahman Abdi Rage, ayaa soo jeediyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda jaaliyadda, waxqabadka

ururka, iyo caqabadaha haysta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Finland.

Intii uu socday kulanka waxaa si qoto dheer looga dooday walaaca ay qabaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Finland, gaar ahaan arrimaha la xiriira heshiisyada dowladda Finland ay la galeyso dowladda Soomaaliya, iyo saameynta ay yeelan karaan – gaar ahaan celinta dadka aan sharciyeysnayn ee ku sugan dalka.

Wafdiga dowladda Soomaaliya waxay si cad u sheegeen in socdaalkoodu la xiriiray arrimo farsamo iyo horumarinta xiriirka labada dal, iyadoo diiradda la saarayo:

  • Horumarinta adeegga booliiska Soomaaliya
  • Qalabeynta iyo tayeynta hay’adaha amniga
  • Xoojinta la-dagaallanka dambiyada iyo sugidda xuduudaha
  • Kor u qaadista xirfadaha iyo agabka ciidamada

Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland oo kulanka daadihinayay ayaa la dareen ahaa walaaca jaaliyadda, waxayna ku faraxsanaayeen ballanqaadka wafdiga ee ah in la dhowri doono xuquuqda Soomaalida dibadda, gaar ahaan kuwa nugul ee wali sharci sugaya.

Wasiirka iyo Agaasimaha guud waxay si wadajir ah u cadeeyeen in Wasaaradda Amniga aysan wax lug ah ku lahayn heshiisyo ku saabsan dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana aysan ogolaan doonin wax tallaabo ah oo dhaawaceysa karaamada, maqaamka ama xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dibadda.

Waxay sidoo kale tilmaameen in wararka sheegaya heshiisyo ku saabsan dib-u-celinta ay yihiin dacaayado siyaasadeed oo ay faafinayaan xisbiyaasha mucaaradka ah, kuwaasoo ay sheegeen in aysan sal iyo raad toona lahayn.

Ugu dambeyn, wafdigu waxay hoosta ka xariiqeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba oggolaan doonin wax heshiis ah oo wax u dhimaya sharafta iyo daryeelka muwaadiniinteeda qurbaha ku sugan.

Tafatiraha war saxaafadeedyada Liitto

Suomen somalialaisten liitto ry Opastinsilta 6 A (J-ovi)
00520 Helsinki
www. Somaliliitto.fi 
Somaliliitto@somaliliitto.fi