Xaflad lagu taageerayo nabadaynta Soomaaliya oo ay soo agaasintey Somaliliitto oo lagu qabtay bariga Helsinki

Xaflad lagu taageerayo nabadaynta Soomaaliya oo ay soo agaasintey Somaliliitto oo lagu qabtay bariga Helsinki,

RW-Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa kaga qayb galay xafaladaasi dhinaca taleefanka oo ay soo agaasimeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ,waxa uuna Rw-Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) uu u sheegay in Dowladdiisu rajo weyn ka qabto in ay dib u soo celiso nabad gelyada Soomaaliya , isagoo sheegay in ay  ku xiran tahay taageerada ay noo muujiyaan Shacab weynaha Soomaaliyeed annana waanu da’daalaynaa haddii alle-idimo khaasatana waad ku mahadsan tihiin taageerada aad noo muu- jiseen haddaad tihiin Rer Finland.

Intaas ka dib waxaa hadlkii qaatay Gudoomiyaha Ururka midnimadda Soomaaliyeed ee Finland Eng. Cadbirashiid Cawad Diiriye oo sheegay in uu aad ugu farxsan yahay taageeradda rer Finland ay u hayaan Dowladda Soomaaliya isgoo ku booriyay in taageerada aanan ku ekaan afka ee aanu ku darno ficil iyo kaalmo ,waxa kaloo uu gadoomiyhu sheegay in ay reer Finland markasta u taagan yihiin wax ka qabashada arrimiha Soomaaliya taana ay tahay waajib nasaaran.

Xafladda waxa isna goob joog ka ahaa nin u qaabil  arrimaha siyaasada iyo dhaqaalah ee Safaaradda Maraykanka Mr. Hunter B. Treseder oo isna sheegay in ay tahay markii ugu horaysay oo uu ka qayb qaato shir Soomaalidu ku yeelato wadanka Finland waana ku faraxsahay ,Mr. Hunter waxa uu sheegay in Dowladda Mareekanka ay taageer santahay Dowladda Soomaaliya isla mar ahaantaasna aanu la’ garab taaganahay hiil iyo hoo waxaana rajeynaynaa in ay noqoto mid taabad gasha .

Waxaa intaas ka dib hadalkii qaatay Dr. Mulki Cismaan oo ka mid ah dhaqaatiirta wax ku bartay wadanka finland isla mar ahaantaasna daneeya in ay aragto Dalkeedii oo nabad ah waxa ay tiri waa in aanu taageernaa Rw-Maxamed Farmaajo iyo golihiisa Wasiiradda , maxaa yeelay waa markii ugu horaysay oo ay hogaanku noqdo dad aqoon lagu soo doortay ,Anigana qaar baan ka aqaan kuwa hadda madaxda loo doortay , waxaana ku rajo weynahay haddii Soomaalidu garab is taagto in ay sameen karaan is badal wanaagsan , Aniga qaasatana waxaan balan qaadayaa in aan ku kaal meeyo wixii aan ku dhaamo iyadoo Dumarka Soomaaliyeed ku boorisay in aysan ka gaabin doorka kaga aadan nabadaynta Soomaaliya.

Dadkii halkaasi ka hadlay ee aqoon yahaynadda ahaa waxa ka mid ahaa  Cali Qaasin oo isna ka hadlay in ay muhiim tahay in la taageero Dowlad kastoo Dalka loo dhiso, waana waajib saaran Qof kastoo muwaadin Soomaaliyeed ah , maxaa yeelay haddii aanu ummadu wada shaqayn Dowladnimo lama hili karo. Aniga qaasatan waan taageersanahay isbedelka lagu sameeyay Dowlad waana talaabo horumar leh.

Gaba gabaddii xafladda waxaa halkaasi ka hadlay Dr, Axmed Weheliye (Xiji) oo isna sheegay in uu Rw-Maxamed Cabdullahi aqoon fiican u leeyahy isaguna uu u yahay Adeer ,waxaan ahay ninkii geeyay Iskuulka hoose dhexe waxaana la socday ilaa uu ka gaaro heer uu u shaqo ka bilaabo Safaaradda Maraynkanka, waxaana ku aqaanay nin daacad ah isla mar ahaantaasna aqoon u leh maamulka waana midda aan ku taageeray igamana ahan waalid baad u tahay ee sidaas ku taageer, sidaas daraadeer waanu ugu hanbal yeynayaa Isaga iyo Dowladdiisa ,waxaan kula dar daar mayaa in ay u shaqeeyaan sida loogu doortay in ay yihiin Dad aqoon yahano ah oo is bedel sameen kara , Dr. Axmed Weheliye (Xijji) oo maamulhii Dugsiga farsamadda ee buulo-tikino xiligii Dowladdii uu Maxadweunaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre Dr. Axmed Xijji waxa uu codsi u diray dhamaan ummada Soomaaliyeed uu sheehay in waqti la siiyo madaxda hadda la doortay si aanu dhibaatada 20 jirsatay uga gudubno.