(SSL):-Waxaa xarunta soomaalidaee somaliliitto ka dhacay kulan ay soo qaban qaabiyey uruka midnimada soomaliyeed ee Finland kaas oo looga arrinsanayey siddii dumarka soomaaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta ururka. Kulankaas oo ay ka soo qaybgaleen dumar soomaaliyeed oo isu jira siyaasiyiin iyo aqoon yahanno.
Waxaa halkaas iyana goob joog ka ahaa guddiga fulinta ee ururka midnimada soomaaliyeed ee Finland. Waxaana kulankaas kadib laysku afgartay in lasameeyo guddi haween ah, si loo helo dumar soomaaliyeed oo ka qaybqaata horumarinta ururka iyadoo la ogsoon yahay in kaalinta dumarka aan horumarinta bulashada sinaba looga maarmi-karin, siddaas oo kalena ay yihiin laf-dhabarta bulshada.
You must be logged in to post a comment.