Kulan ka dhacay xarunta somaliliitto oo ay ka soo qaybgaleen indheer-garad soomaaliyeed

(SSL):-Waxaa kulan ka dhacay xarrunta midnimada soomaaliyeed ee Finland, Halkaas oo looga arrinsanayey isku xidhka bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa kulankaas isugu yimi dadka ka kala socda bulshada qaybaheeda kala duwan. Ulajeedada kulankan ka danbeyseyna waxay in la dardargeliyo isku xidhka bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaana halkaas ka hadlay,

guddoomiyaha ururka Cabdirashiid  Cawed Diiriye oo warbixin ka siiyey dadkii halkaas ka soo qaybgalay xaaladda ururka iyo sidday mihiim u tahay in wada jirku uu yahay waxa keliya ee lagu gaadhi karo himaladeena. Wuxuu guddoomiyuhu sheegay in jid dheeri inaga horeeyo, kaas oo u baahan i wada jir ahaan loo wajaho, keli kelina aan meel lagu gaadhi-karin. Waxaa iyana goobtaad ka hadlay Xaawo Xaaji Maxamed, Yaasiin Cabdi Raage, Cabdicasiis Goodax, Muuse Cumar, Yaasin Gaas, Faarax Cabdikariim oo dhammaantood ka tirsan guddiga fullinta ee somaliliitto.

Waxaa iyana goobtaas ka hadlay odayaal iyo culimo kala duwan oo halkaas isugu timi, waxaana ugu danbayntii laysweydaarsaday arragtiyo kala duwan oo ku aadan   siddii laysu kaashan lahaa loogan bixi-lahaa kala daadsanaanta.