Gudoomiye ku xigeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed Cabdi-casiis Goodax Bare ayaa ka qaby galay tar tanka Ciyaaraha qaboow ee uu soo qan qaabiyay Ururka Somali Culture and Spotrs isagoo u mahad celiyay dhamaan dhalinyarada ka qayb qaadatay Koobka Somali Weak anad Diaspro, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in dhalin yarad la ciyaar siiyo si loo helo ciyaartooy ka qayb qaata Ciyaaraha Aduunka isgoo u mahad celiyay Ururka Somali Cultre and Sports oo u taagan in markasta uu qabto ciyaaro ay ku tar tamaan kooxo Soomaaliyeed oo kala yimid wadamo kala duwan .
waxaa sidoo kale isna goob joog ka ahaa Af-hayeenka Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee (Somaliliito) mudane Yaasin Cabdi Raage isagoo qayb weyn ka qaadatay suurta galinta Ciyaaraha xiliga qaboobaha waxa uuna ahaa xiriiyaha xaflada lagu gudoon siinayay xookdii ku guulaysatay Koobka .
Ciyaarta Sama-finalka ayaa waxaa isku soo haray 2 kooxood oo u kala Ciyaaraysay finland iyo Denmark waxaana guushii yeeshay Kooxda ( Oympic A) oo ahayd kooxda Denmark oo kaga badisay 3-2 kooxda FC- Somalia ee Finland ( HOOS KA DAAWO SAWIRRADA)
You must be logged in to post a comment.