Gudoomiyaha Somaliliitto oo ka qayb galay bandhig Dhaqameed uu soo qaban qaabiyay Ururka Golis Women (+ Sawirro)

Gudoomiyaha Ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee ( Somaliliitto) Abdirashid Awad Dirie ayaa ka qayb qalay Xaflad uu soo qaban qaabiyay Ururka Golis Women oo ah Ururka Haweenka Soomaliyeed ee finland .

Gudoomiye Cabdirashiid Cawad Diiriye waxa  uu ku amaanay Ururka Golis Women  iyo qaban qaabiyaashiisa  oo soo bandhigay Hiidah iyo Dhaqanka Soomaaliyeed mid taatiikh weyn uga shagalaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland , waxa kaloo uu yiri waa markii ugu horaysay oo la soo bandhigo Hidha iyo Dhaqanka Soomaliyeed oo socday muddo 1-Asbuuc ah iyadoo ay ka soo qayb galeen Bulsho kala-gadisan iyo Madax ka socoday wadanka Finland .

Waxaa iyadana halkaasi ka hadashay Amaran  Maxamed Axmed oo ahayd Gudoomiyaha Ururka Haweenka Soomaliyeed ee Golis Women  ayaa sheegatay u jeedada ka danbaysay qabashada xaflada lagu soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed , Waxay tiri waxaan ugu tala galnay in aanu barno Dhalaanka yar ee aan waxba ka aqoon Dhaqankooda  soo jireen ka ah si ay u ogaadeen ,iyo in aan sidoo kale tusno dadka aanu la daganahay ee Finishka in aan leenahay Dhaqan wanaagsan , waana ku guulaysanay in aan soo bandhigno xafladda ,ayeey ku soo gunaa nuday Gudoomiye Amran Maxameed Axmed  yadoo sidoo kale soo bandhigtay Buug ay ka waramayso taariikh nololeedka oo ku qoran Afka-Fininshka .

Waxaa isna xusid mudan qaban qaabiyah ugu shaqada badnaa goobta xafladdu ka dhacday Mudane Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Ninka suurta galiyay in kulan kan uu qabsoomo kana mid ah xubnaha Ururka Golis women  Associatoin of finland

( hoos ka Daawo Sawirrada)

Mohamed Bashir

ATK-Webmaster