Af-hayeenka Ururka Somaliliito Yaasiin Cabdi Raage ayaa ka qayb galay Xaflad lagu soo badhigay koobka Ciyaaraha Fudud 2011 (+Sawirro)

Helsinki:-Af-hayeenka Ururka Somaliliito Yaasiin Cabdi Raage ayaa ka qayb galay Xaflad lagu soo badhigay koobka Ciyaaraha Fudud ee uu soo qaban qaabiyay Ururka Somali Culture and Spots .

Ciyaartan oo socotay  muddo 2 maal mood ah ayaa waxaa ka soo qayb galay  Ciyaartooydii Soomaaliyeed  ee u ciyaari jiray Kooxaha Qaranka Soomaliyeed waxaana ka mid ah  ,Aweyn, Nuurgaab , iyo Qaarkale

Ciyaartan oo Sanad walba uu qabto Ururka Dhaqabka iyo Sportska ee ( SOCUS) ayaa u jeeda loo qabtaa ay ahayd  si ay u wada ciyaaraan Dhalinyarada cuslaatay eek u nool qaarada Yurub ,

Kooxihii wada ciyaaray ayaa dhamaa tood  kawada yimid wadamada , Sweden, Denmark, England, iyo Finland ,dhamaad kii  ciyaaraha  waxaa kaalinta  1aad galay Kooxda Dream-team ee Finland oo 5-3 kaga badisay Kooxda  Southhal ee London.

Waxaa isna hadal kooban ka jeediyay goobta xafladu ka dhacday Gudoomiyaha Ururka Somali Culture and Sports  Axmed Imad oo isna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida ciyaartu u dhacday iyo sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen madaxdii aanku casuumay ciyaaraha , Amed Imad ayaa sidoo kale u hambalyeeyay dhamaan kooxihii kawada qayb qaatay tar tarnka Ciyaaraha Dhalinyarada Cuslaatay.

Sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay xog-heynta Ururka Somali Culture and Sports  Cabdul-qaadir Qooje oo isna u mahad celiyay sida wanaagsan ee ciyaartu u soo dhamaatay iyadoon aysan dhicin wax buuq ama is qab qabsi ah waa ilaahay , mahadiis , xog-haya Ururka Socusu Cabdul-qaadir Qooje waxa kaloo uu ka dhawaa jiyay in ay sii wadi doonaa da,daalka ay ugu jiraan isu keenida Dhalinyarada Cuslaatay , Sanad walba haddii alle-domo.

Gaba gabadii Xafaladda ayaa waxa Shahaadi Saraf Gudoon siiyay Gudoomiye ku xigeenka Ururka Midnimadda Soomaaliyeed Cabdi-Casiis Goodax Bare ciyaartooy ka mid kooxda South-Hall ee London

Ciyaartooydii ka soo qayb gashay ciyaaraha Dhalinyarada Cuslaatay waxaa ka mid ahaa

1-      Nuur Suufi Maxamed (Nuur Gaab taba bare )

2-      Xildhibaan Cabdi-naasir Siciid Seef ( C/dheeg)

3-      Maxamed Buube  ( Somali weak London )

4-      Bile Cali Cumar  ( kooxda horsed)

5-      Maxamed oorso ( Kooxda Muqdisho)

6-      Aweys Cusmaan ( kooxda horseed)

7-      Axmed Imad ( Gudoomiyaha  Socus)

8-      Cumar Dhagaweyne ( Agaasimihii Ciyaaraha fudud)

9-      Cali,Maxamed Yaanyo

10-      Cabdiqaadir Qooje ( Xogheyta Socus)

11-   Yaasin  Cabdi Raage ( Af-hayeenka Socus)

12-   Cabdullaahi Shugri  ( Kabtanka kooxda Socus)

Gaba gabdii xaflada ayaa waxaa koobkii lagu doon siiyay kooxda Dream-team ee finland , iyagoo halkaasi ka muujiyay farxad iyo bogaadin ,halka kooxda Southhal lond iyada lagu gudoon siiyay koobkii labaad .

 

Mohamed Bashir

ATK-Web-master