Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Finland (SUJOF) oo siminaar ku qabtay Xafiiska Somaliliitto(+Sawirro)

Ururka SUJOF oo qabtay Siminaar looga hadlay doorka saxaafadda ay ku leeyihiin Suxufiyiinta ,iyadoo sidoo kale  maalintaasi ay ku beegnayd   maalinta Saxaafadda Soomaliyeed oo ka soo wareegatay 38 sanadood , xiligaas oo loo aqoon saday maalinta Saxaafadda Soomaaliya waxaana sameeyay Dowladdii xiligaas ka talinaysay Dalka. waxaana door weyn ka qaatay in shirkaasi qabsoomo Ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee finalnd (Somaliliitto)-

Maalinta Saxaafadda Soomaliya ayaa ah maalin aad ugu weyn Bahda Saxaafadda meel kastoo ay ku sugan yihiin,Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Finland Maxamed Bashiir ( Maxamed Info ) ayaa sharaxaad ka bixiyay  goobta xafladu ka dhacday , waxaana uu sheegay in uu aad ugu farxasan yahay in Ururka SUJOF uu xuso maalinta Saxaafadda  isagoo uga mahad celiyo dhamaan Dadweynihii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay xafladda maalinta Saxaafadda  Somaaliya , isagoo sidoo kale u  mahad celiyay Bahda Suxufiyiinta Rer Finland , iyadoo ay ahayd sanadkii ugu horeeyay ee laga xuso maalinta Saxaafadda wadanka finland,

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenak Ururka SUJOF  Cawil Aadan Dhoore isagoo faah faahin dheeraad ah ka bixiyay wax yeeladii ka soo gaartay tan iyo  intii Dowladdii Madaxweynaha ka ahaa  Maxamed Siyaad Bare wixii ka danbeeyay  in loo gaysay  Bahada Suxufiyiinta dhibaatooyin isugu jira  Dilal , xarig , handadaad, waxaana uu tilmaayay in taasi ay tahay saniib daro aysan nala qabil Dunida inteeda kale , Gudoomiye ku xigeenka Ururka SUJOF waxa uu fariin u dirayaa  dhamaan Bahda Suxufiinya Soomaaliyeed qaasatan kuwa ku sugan Soomaaliya , in aysan ka harin Da,daalada aad ugu jirtaan horumarinta Saxaafadda  waana in aad u dhabar adeegtaan how lihiina saxaafadeed  , waxaadna ogaataan in ay taarikhdu idin xusi doonto.

Xuska maalinta Saxaafadda Soomaiya waxaa sidoo kale ka hadlay Xog-haya Uruka Suxufiyiinta Somaaliyeed ee Finland (SUJOF) Mudane  Maxamed Xasan Mantaan oo isna ka hadlay  faa ii dada  ay leedahay Saxaafadda isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay , waxa uu sheegay in Saxaafadda ay lee dahay faa ii dooyin aan hadal lagu soo koobi karin isagoo  tusaale u soo qaatay . Qof kasta oo aduunak ku nool in uu u baahan yahay in uu helo akhbaar isagoo ku sugan gurigiisa , dhagaysto , Radio, fiirsado , Tv , akhristo wargeysyada iyo Boggaga Internetka , waxaana u sahlay Bahada Saxaafadda  aduunka ,.

Xog-haya Ururka SUJOF  Maxamed Xasab Mataan waxa sidoo kale uu sheegay , ka dib markii la aas aasay Maalinta Saxaafadda Soomaaliya oo ku beegnayd 1973 in Soomaliya ay yeelatay wargeys kii ugu horeeyay ee ay yeelato wasaaradda war-faa fiinta waxana la oran jiray Xidigta Oktoobar , waxa sidoo kale ay la hadeed Soomaliya Radio muqdisho, iyo Tv qaranka Soomaliya , sidoo kale bur burkii Soomaliya kadib Saxaafadda Soomaliya waxay Samaysay horumar la taaban karo iyadoo Soomaaliya ay  yeelatay 5 Tv oo ay leeyihiin Shaqsiyaad Soomaliyeed waxaana ka mid ah , Tv-Universal, Somalichannel, ETN-tv. Horn-Caple-tv , Somalinad-tv ,iyadoo sidoo kale in Soomaliya ay  leedahay Idaacado aad u farabadan oo aan halkan lagu soo koobi karin.

Waxaa sidoo kale Qadka Taleefana kaga qayb qaatay Gudoomiye ku xigeenka Somali Community of Finland Cabdis Casiis Goodax Bare oo isna ka mid ah Bahda  Saxaafadda Sports ee Aduunka ayaa aad ugu mahad celiyay  Uruka Suxufiyyna Soomaaliyeed ee Finland in ay sameeyen arin ku dayasho mudan  isagoo soo agaasimay Xuska Maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu ku til maa may maalin xusud mudan .

Gaba gabadii Xafladda xuska Saxaafadda Soomaaliyeed ee Sanad guuradii 38aad ee 1973  oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somali Unoin Journalists of Finland ( SUJOF) ayaa ah mid aad loo soo agaasimay iyadoo ay dhamaan Dadkii ka soo qayb galay ay ku farax sanaayeen ka soo qayb galka xaflad lagu  xusayo maalinta Saxaafadda Soomaaliya  ayaa ku beegantay sanad guuradii 38aad

Mohamed Bashir

ATK-webmastar