Ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee Finland oo soo agaasimay Kulan lagu soo bandhiagay Musharixiinta u tar tamaya xil-dhibaanimda Finland(+Sawirro)

Shirkan oo  lagu soo bandhigay Musharaxiinta u tar tamaya Xilka Baarlamaanka wadanka Finland oo uu soo  agaasimay Ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee Finland  oo lagu qabtay Caasimada wadanka ee Hesinki-Finland,

Ugu haraytii waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed Eng: Cabdirashiid Cawad Diiriye ,oo u mahad celiyay dhamaan xubnihii ka soo qayb galay shirkaas ,waxaana sidoo kale uu xusay u jeedad Shirkan oo ku tilmaamay in ay ahayd  in aanu samayno shir aan ku soo bandhigayno Musharaxiinta Soomaaliyeed ee iyagu u tar tamaya xil-dhibaanimada Finland oo la qabanayo  Bisha Afraad ee fooda inagu soo haysa , sidii ay ula kulmi lahaayeen Dadkooda ay codka waydiisanayaan ,iyo in ay soo bandhigaan wax qabad kooda.

Shirkan oo ahaa shirkii ugu horayeeya ee noociisu oo kale uu ka dhaco wadanka Finland kaas oo u jeedadiisu ahayd sidii ay u soo bandhigi lahaayeen ra,yigooda Musharaxiinta Soomaaliyeed ee iyagoo isu sharaxaya  doorashada xil-dhibaanimada oo ay ku beegan tahay Bisha Afraad ee Sanadka 2011.

Musharixiinta iyagu goobta yimid ayaa waxay dhamaan yeen 6 Qofood oo ay ka mid yihiin 4 Rag iyo 2 Dumar ah  iyadoo ay jiraan qaar kale oo aan ka soo qayb galin shirkaasi .

Finland ayaa waxa ay ka mid tahay wadamada Sharcigoodu uu dhigayo Dimuquraadiyada oo haddii Qofku uu leeyahay sharciga  dhashada wadanka ay suurta galtahay in uu Qofkstoo ka mid ah Xisbiyad wadanka Finland uu isu soo sharixi karo Doorashooyinka  Xil-dhibaanimo  oo afartii Sanaba mar laguqabto wadanka Finland .

Xubnihii  isku soo sharaxay doorashada oo dhamaantood  kala ah.

Abdirahin Hussein  oo u sharaxan  Xisbiga (Keskusta)

Mustafa Xaaji oo u sharaxan                             (Keskusta)

Sahra Cabdulle oo u sharaxan Xisbiga        (Vihrea)

Axmed Toowxid oo u sharaxan Xibiga      (RKP)

Carshe Siciid  oo u sharaxan Xisbiga         (RKP)

Riyaaq Muqtaar oo u sharaxan Xisbiga   (KD)

Shirkan oo ku soo dhamaaday jawi wanaagsan isla mar ahaantaasna Xubnihii Muxsharixiinta ahaa ay wada muujiyeen in haddii ay ku guulaystaan xilkaasi ay ummada Soomaaliyeed ee Rer Finland ay wax u qaban doonaan .

ATK-webmaster: Mohamed Bashir