Helsinki:(SSL)-Ugu horayntii waxaa hadal kooban shirka ka jeediyay Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Eng: Cabdirashiid Cawad Diiriye , isagoo aad ugu mahad celiyay dhamaan Dadkii ka soo qayb galay kulaka,
Prodessor Axmed Ismaaciila Samatar waxaanu ugu tala galanay in aanu ku kulan siino Jaaliyada soomaaliyeed ee Finland, bacdamaan uu marti ku ahaa Pro Axmed si aanu uga faa iidaysano aqoontiisa , haddana isga ayaan idin ku wareejindoonaa .
Professor: Axmed Imaaciil Samatar oo ka war bixiy socdaalkiisa uu ku yimd wadanka isoo kulan 2 saacadood ah uu la qaatay Baarlamanka wadanka Finland, sidaasi darteedna aan jeclaystay mar haddii aan imid wadanka aan la kulmo Jaaliyada Soomaliyeed ee finland si aanu u kala qaadano war-bixinada .
Professor Axmed Ismaaciil Samatar waxa kaloo oo soo ban dhiagay xisbi siyaasi ah oo dhawaan ay ka hirgaliyeen aqoon yahano Soomaaliyeed laguna magacaabo Hiil-Qaran isaguna uu ka mid yahay xubnihii aas aasay , ayaa waxa uu sheegay in uu taageero u raadinaayo xisbiga Hiil-Qaran isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay u jeedda ka danbaysa hirgalinta xisbigan , oo ku sheegay in ay rabaan in Dalka lagu bad baadiyo sida uu dhigayo sharciga xibiga ,dhawaana ay kulamo la yeelan doonaan Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada .
Webmester:Maxmed Bashiir
You must be logged in to post a comment.