Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland oo Shahaado sharaf gudoon siiyay Gabadha Sanadka Qaxootiga ee Finland(+Sawirro)

Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland oo qabtay Xafdlad heersare loo agaasimay isla mar,ahaantaasna ay ka soo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala gadisan ,iyadoo goobtaasi lagu gudoon siiyay 2 Qofood  Shahaado sharaf  ku waa soo kaalin muhuuh ah ka galay  tar tamo ay qabteen  Ururo ka hoow gala wadanka finland .

Ururka gar-gaarka  Qaxootiga  ee Finland ayaa waxa uu qabtaa tar-tan sanadkiiba mar iyadoo ujeedanu ay tahay in la tar-tansiiyo Qoomiyadaha kala gadisan ee wadanka u soo guuray Gabdhahooda u shaqeeya iskaa wax u qabso ,iyadoo sanadkan la,tar-tan siiyay 3 Gabdhood oo ajaanib ah oo wadamadooduna kala dunwan yihiin ,waxaana ka mid ah Saido Mohamed oo  ah Gabar Soomaaliyeed islamarkaana ku guulaysatay in ay noqoto Gabdha loo doortay in ay noqotay  ,Gabdha Sanadka .

Saido Mohamed o shaqadeedu tahay kalkaaliso Caafimaad , waxey abaalmarinta ku muteysatay shaqada ey uhayso bulshada oo ah mid iska wax uqabso ah.

Saido  Mohamed waxey mudo dheer ka shaqeynaysay arrimaha bulshada, waxey lasoo shaqeysay Ururada Soomaalida ey kamid yihiin Somaliliitto iyo Kanava. Saido waxey kaloo la shaqeysaa hayadda u dooda xuquuqal insaanka, iyadoo ka shaqeysay mashaariic badan oo lagu wacyigelinayo dumarka iyo gabdhaha, sida mashruuca ka hortaga gudniinka.

Saido waxey timid dalka Finland sanadkii 1992, iyadoo kasoo qaxday magaalada ay ku dhalatay  ee Muqdisho, kadib marki u bilawday dagalki sokeeye ee Soomaaliya. Hay.adda gar-gaarka Qaxootiga ayaa ku tilmamtay Saido Mohamed gabar tusaale fiican u ah dhalinyarada ajaanibta oo asalkooda qaxootinimada kuyimid dalkan Finland.

Sidoo kale waxaa isna goobtaas shahaado sharaf lagu gudoon siiyay  Cabdishakuur oo sina Sanadkii 2010 dabayaaqadiisii uu  ku guulaysatay in uu noqdo  Aabaha Sanadka 2010 ee Finland ,isagoo goobtaasi ka hadlay waxa uu yiri waxaan aad ugu faraxsanahay kulanka uu inoo sameeyay Uruka Jaaliyada Soomaaliyeed mid aan ku qancsahay waana uga mahad celinayaa xubnihii soo agaasimay , isagoo sidoo kale u mahad celiyaay dhamaan marti sharaf kii ka soo qayb galay , isagoo hadal kooban ka jeediay goobta waxa uu yiri waxaan idiin sheegayaa in aanu da,daalo oo aanu ku da,daalno Caruurteena maadaaba aanu joogno wadan aan dalkayaga ahayn .

Isku soo wada duu duub Xafadladaan ayaa hayd mid ay u riyaaqeen dhamaan dad weynihii ka soo qayb galay  iyadoo dadka qaar ay hadiyo gudoon siiyeen Saciido Maxamed oo ahayd Gabdha Sadanka .

Webmester: Mohamed Bashir