Somaliliitto oo soo qaban qaabisay siminaar ku saabsan wax yeelada Qaadka iyo ashayaada maanka dooriya oo lagu qabtay Hesinki (+Sawirro)

Siminaarka waxaa hadal kii ugu horeeyay furay Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland Eng: Cabdirashiid Cawad Diiriye, isagoo sheegay  in maanta siminaar kan uu  ku saab san yahay  ashyaada maanka dooriye ,waxaana ka qaby qaadan doona xubin ka socda Hay,adda nabad gelyada ,isga ayaan idin ku wareejinayaa .

Waxaa  siminaar kii furay xubin ka socda Hay,adda nabad gelyada Jari Lase isagoo sharaxaad dheer ka bixiyay dhibaatada ay keenaan ayshaada maanka dooriya oo ay ka mid yahay Qaadka, Xashiika,Qamriga,Sigaarka, iyo kuwo kale oo farabadan.

Mr. Jari Lase waxa uu ka digay cunista Qaadka iyo ka ganacsigeeda isagoo  sheegay in Qofka cimrigiisa ay hoos u dhigayaan ,waxaana dhici karta in uu ku waayo naftiisa

Mr. Jari Lae waxa uu ka digay cunista Qaadka iyo ka ganacsigeeda isagoo  sheegay in aan si sharci ah loo oglayn in la keeno Qaadka iyo ashayaada kale ee maanka dooriya wadanka Finland ,ciddii lagu  qabtaana uu noqonayo Qof danbiilaha . Mr.Jari lase waxa uu ka codsaday bulashada Soomaaliyeed ee u soo haajirtay wadanka Finland in ay nagala shaqeeyaan sidii  aanu u dabar gooyn lahayn Dadka keena Qaadka ,Xashiiska , isla mar ahaantaasna aad la soo xiriirtaan Taleefanka Ciidanka nabad  gelyada haddii aad aragtaan Dad ka ganacsamaya  maandooriyaasha.

Waxaa  isna hadal kooban ka jeediyay Mukhtaar Xabiib oo ka mid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed  isla mar ahaantaasna la shaqeeya Hay,addaha Dowlada qaybteeda Caruurta , isagoo muuyiy in Caruurta Soomaaliyeed inaysan wada ahayn Caruur xun balse ay jiraan qaar wax uun dhibaato naftooda ku ah sameeya ,waxaana uu sheegay in Caruuraha Ajaanibta ee Finland ku nool marka la eego  kuwa danbiyada gaystay  Caruurta Soomaalidu waxay ka noqon karaan member yar .

Muqtaar Habiib oo sheegay in uu ka shaqaynay Hay,addaha Caruurta muddo 17 sanadood uu ka hayo xog-dhab ah Caruurta Soomaaliyeed ,waxa uuna Waalidiinta Soomaaliyeed uu ka cod-saday in ay Caruurta 18 ka yar lagu koontoroolo Iskuulada ,xiriir fiicanna la la yesho Macalin miinta .

Waxaa isna goobtaasi ka hadlay Dr. Cabdirashiid Cabdi Cismaan oo sina sharaxaad dheer ka bixiyay waxayeelada Qaaadka isagoo tusaale u soo qaatay dhaqaalaha ku baxa  Qaadka sanad kiiba ,lacag dhan 300 oo milyan oo Doolar ,Lacgtaasina waxay gashaa wadamada dariska inala ah sida Kenya,Ethopia iyo yeman , wadamadan waxay inoo keenaan Caleen  aniguna waxaynu siinaa lacag ,

Dr. Cabdirashiid Cabdi Cismaan waxa uu sidoo kale tusaale u soom qaatay haddii lacagta gasha Qaadka la galin lahaa war-shado imisa war-shadood ayaa sanad katsa laga hir-gelin lahaa wadanka , imisa shaqaalo ayaana kashaqayn kara , waxaan filayaa in wadanku uu gaari lahaa heer dhaqaalihuusu uu isku filnaado. sidaasi tarteed Qaadka waxa uu nagu hayaa dhaqaalo curyaamin, iyo isagoo Qofka u keena caafimaad daro.

gaba gabadii siminaar ka ayaa ahaa mid si wanaagsan ay u uga faa ii daysteen xubnihii ka soo qayb galay waxa uuna ahaa simaan aad u wanaagsan oo lagu qaatay wax yeelada ay gaysan karaan maan dooriye yaasha ,waxaana soo qaban qaabiyay Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland.

(  Hoos ka Daawo Sawirrada )

Webmester: Mohamed Bashir