Dhamaan wax garadka iyo Dhalinyarada iyo bulshada qaybaheeda kala gadisan ee Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland waxay xuseen 13kii Dhalinyaro oo u soo halgamay xurnimada Soomaaliya oo ku beegan Sanad guuradii 68aad ee 15-may ,iyagoo sharaxaad reed ka bixiyay taariikhdii ay soo hoyeen Dhalinyaradaasi .
Ururka Ardayda Soomaaliyeed ayaa soo qaban qaabiyay xuska aas aaskii Ururka SYL waxaana goobta ka hadlay xubin ka mid ah Ururkaasi Hanad Cabdullaahi oo soo qaatay taariikdii Dhalinyarada iyo sida ay isugu xirnaayeen Dhalintaasi waxana uu sheegay in ay sabab u noqdeen in aan noqono Dal xor ah.
Waxaa isna goobtaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Midnimada Soomaaliyeed Eng: Cabdirashiid Cawad Diiriye oo isna munaasibadan ku tilmaamay mid qaali ah oo aan la ilaawi karin isagoo sheegay in ay haboon tahay in aan laga daalin is xasuusinta 13kii Dhalinyaro ee noo horseeday in aan xuroowno aan noqono Dal madax bannaan , isagoo hadlkiisa sii raaciyay war Dhalinyaro waxaa la idin karabaa in aan noqotaan ku ku dayda 13kii Dhalinyaro ee aan hadda xuskooda u fadhinno .
Guud ahaan wax-garadkii ka soo qayb galay xafladdii lagu xusayay Dhalinyarda SYL ayaa igu dhamaantood wada qiray in Dhalinyaradaasi ay ahaayeen kuwo taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay wadanka ay u horseedeen Madax bannaani, waxaana illaahay looga baryay in uu raalli ka noqdo.iyadoo sidoo kale la isku baraarujiyay in lagu daydo oo Dalka wax loo qabto layskana ilaawo wax yeelada hoose oo ay Soomaalidu isu gaysatay, Dalkana loo horseedo nabad iyo maamul wanaagsan.
Toimintaja Mohamed Bashir