Shirkan waxaa isugu yimid dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland wax garad keeda wuxuuna ku saabsanaa sidii loo caawin lahaa dadka abaartu ay aafaysay ee koofurta Soomaaliya iyo dalka intiisa kale iyadoo kulan kaasi uu ka dhacay magaaladda Helsinki.
Shirkan ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay gudoomiyha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland Eng:Cabdirashiid Cawad Diiriye, wuxuuna ka hadlay ujeedada shirka oo uu ku tilmaamay sidii jaaliyadda ay u qayb-qaadan lahayd gurmadka abaaraha ee dalka ka jira iyadoo aan wadno abaabul xoogan waxaana rajaynayaa in aan iska kaashanno howshaas waadna mahadsantihiin.
Intaas ka dib ayaa waxaa ayaa wax hadalkii qaatay uu gudoomiyaha golaha dhexe ee ururka midnimada Soomaliyeed ee Finland Macalin Aadan Maxamed Aadan wuxuun hadalkiisa ku furay walaalayaal waad mahadsantihiin sida wanaagsan ee aad uga soo qayb gasheen kulkan aanu ugu talagalnay in aan ku gar-gaarno dadkeena ku dhibaataysan dalkii waxaana rajanayaa in aad si wanaagsan ug qayb-qaadataan howshaas ,mar labaad ayaan idin leeyahay mahadsanidiin.
Waxaa isna goobta ka hadlay Sheikh Maxamed Xasan Shiikhow oo ka mid ah culima,udiinka Finland ayaa isna ku furay ayaado quraan wuxuuna ka hadlay sababta ay ku timid abaarta,isagoo adeegsanaya aayadaha illaahay uu ku tilmaamayo abaaraha. Sheekhow waxa uu yiri illahay waxa uu inoo sheegay in ay imaanayso abaar iyo barwaaqo labadaba ,haddii ay a baaru timaado maahan in illaahay uu dadkiisa neceb -yahay ee waxa uu illahay uga danleeyahay waxay tahay in adoomadiisa uu dareen siiyo ,gaajada,dhimashada,iyo barwaaqada intaba.Sheekhoow waxa kaloo uu tilmaamay haddii abaaru timaado maxaa loo baahan yahay in la sameeyo ? ma waxaa la baryaa hay,addo mise dad ajaanib ah ? sida hadda ii muuqato waxaan u jeedaa markii abaartu timid in loo habar wacanayo wadamo ama hay,addo . Arinku sidaas maahan ee illaahay waxa uu u jideeyay muslimiita marka abaaru ku habsato in la sameeyo roobdoon illaahayna la baryo si niyad ah ,maxaa yeelay hay,addo waxa ay nasiiyaan maahan mid lagu baahi bixi karo ee waxaa lagu baahi bixi karaa in la badiyo baryada illaahay ,isagaana ah mid wax waliba ka deeqtoon, mana xuma in dadku ay is gar-gaaraan oo waa arin illaahay jideeyay sidaasi daraadeed waaa in laga qayb-qaataa caawinta dadka abaartu aafaysay.
Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Sheikh Maxamed oo ka mid ah culimada wadanka Finland ayaa isna waxaa uu amaan usoo jeediyey jaaliyadda Soomaliyeed ee Finland oo soo qabanaqaabisay kulankan iyo sida guud oo ay uga soo qayb-galeen jaaliyadda. Shiikh Maxamed ayaa ku nuuxnuuxsadey dhibaatada abaareed ee ka taagan wadankeena Soomaaliya waa mid aynu gacmaheena ku keensanay kadib dhagartii aanu isugaysanay ee waxaan ku talinayaa Culimmo iyo Caamaba inaynu illaahay u toobad keenno oo qalbiga la isku furo , abaarta dadkeena haysatana aan ka qayb-qaadano taakulaynta lagu bad-baadinayo dadkeena abaaru ay dilootay.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulanka wasiirka macdanta,biyaha iyo badroolka Cabdiqaadir Maxamed Dhicisow , marka hore waan idin salaamay wax-garadka kulankan isugu yimid culimo iyo caamo , marka labaadna aad baan ugu faraxsanahay in aan idin la qayb-sado kulan aad uga arrinsanaysaan sidii aad u gar-gaari lahaydeen dadka Soomaaliyeed ee abaartu ku habsatay ,intaasi kadib waxaan idin ku boorinayaa in aad laba laabtaan da,daalka aad u taagan tihiin in aad ku caawisaan dadkiina ,waxaan idinka rajaynayaa in aad joogtaysaan kulankan oo uusan noqon mid meeshan oo kaliya ku ekaada ee waa in la joogteeyaa inta abaarta illaahay naga dul-qaadayo , dalka iyo dadka idinka ayaa u maqan ee illaahay garab ha idin ku siiyo da,daalkiina.
Ugu danbayntii kulankan ayaa ku soo gaba-gaboobay jawi wanaagsan iyadoo lagu balamay in la joogteeyo taakulada dadkeena Soomaaliyeed lagu bad-baadinaayo iyadoo la furi doono akoon lagu aruurinayo lacagaha taakulada waxaan howshaasi wakiil ka ah Ururka midnimadda Soomaaliyeed ee finland.
Editing: Mohamed Bashir
You must be logged in to post a comment.