Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Suomen somalialaisten liitto ry) oo la aasaasay sannadkii 1996 wuxuu dallad urureed u yahay in ka badan 50 urur oo xubno ka ah. Ururku wuxuu horumariyaa arrimaha iyo danta Soomaalida Finland, shaqadiisuna waa in uu bulshada saameyn ku yeesho islamarkaasna ilaaliyo danahooda marka la gaarayo go’aannada quseeya ummadda Soomaaliyeed ee Finland.
SAVIOR waa Mashruuc qayb ka ah Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland, kaas oo ay taageereyso STEA sannadaha 2022–2024.
Mashruuca Nololmaalmeedka wanaagsan ee qoysaska Soomaalida Finland furriinka kaddib (SAVIOR)
Mashruuca waxaa loogu talaggalay qoysaska Soomaalida Finland ee u baahan, in laga taageero helitaanka xal shaqaynaya, nololmaalmeedka isbeddelay ee uu furiinku sababay kaddib.
Hadafku waa:
– in waalidka lagu wargeliyo xuquuqda ay leeyihiin iyo waajibaadka saaran marka uu furriin meesha soo galo
– in la taageero nololwanaagga iyo nololmaalmeedka wanaagsan ee qoysaska furriinka kaddib
– in la xoojiyo aqoonta iyo ogaalka uu waalidku u leeyahay arrimaha la xiriira daryeelka iyo barbaarinta carruurta.
Habab kala duwan ayaa qoysaska loo taageerayaa, sida in macluumaad loo qeybiyo iyo waxqabad kooxeed wadajir ah oo loo qabanqaabinayo. Waxaa kale oo inta uu mashruucu socdo la diyaarinayaa buug hage ah oo ku qoran luqadda Finnishka iyo Soomaaliga, kaas oo waalidiinta loogu talaggalay.
Waxqabadka mashruuca SAVIOR waxaa kamid ah:
Muxaadarooyin iyo madallo kale oo looga hadlayo mowduucyada kala duwan ee uu mashruucu ka koobanyahay. Waxaa kale aan bixinaynaa talabixin khadka telefoonka iyo chat:ka ah oo dalka oo dhan ah, talabixintaas oo laga helayo macluumaadka iyo hagitaanka adeegyada.
Kooxda aabayaasha iyo carruurta:
Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay aabayaasha iyo carruurtooda. Fursad lagula kulmi karo aabayaal iyo carruur kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda iyo xoojinta doorka uu aabuhu ku leeyahay nolosha carruurtiisa.
Kooxda hooyooyinka:
Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay hooyooyinka. Fursad lagula kulmi karo hooyooyin kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda nololwanaagga iyo awoodda waxqabadka hooyooyinka ee nololmaalmeedka caadiga ah. Inta lagu jiro kulamada kooxaha, waxaa hooyooyinka loo haynayaa carruurta.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadaha, kooxaha iyo jadwallada waxaa laga helayaa bogagga shabakadda Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland iyo baraha bulshada ee ururka.
Ma doonaysaa in aad waalid ahaan waxqabadkeenna uga qaybqaadato, mutadawac ka noqoto mashruuca ama aad nagala hadasho arrimo mashruuca ku saabsan?
Nala soo xiriir:
Waxaan ku kulmaynaa warbaahinta bulshada!
@somaliliitto @savior
You must be logged in to post a comment.