Somali

Posted on

Ku soo dhowoow bogga internetka ee Golaha midnimada Soomaaliyeed!

Golaha midnimada Soomaaliyeed waxaa la aasaasay 1996. Ujeedeeyinka loo aasaasay waa in uu si buuxda u matalo dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka Finland isla markaana ahaado dallad ay hoos yimaadaan ururada soomaaliyeed ee ka hawl gala waddanka Finland.

Xafiiska Golaha wuxuu ku yaallaa xaafadda Hermanni ee magaalada Helsinki. Adderskuna waa Haukilahdenkatu 2D (dabaqa 3aad), 00550 Helsinki. Xafiisku wuxuu furan yahay maalmaha shaqada 09:00-16:00.

Waxqabadyada ugu muhiimsan

  • Caawinta macaamiisha (ururada iyo shakhsiiyadkaba)
  • Difaaca danaha iyo arimaha dadka soomaaliyeed.
  • Hor umarinta dadka soomaaliyeed sidey ula qabsan lahaayeen Finland
  • Hor umarinta shaqaalenta dadka soomaaliyeed
  • Soo bandhigida dhaqanqa soomaaliyeed
  • Yarenta nabayka iyo cunsuriyada

Golaha Midnimayada Soomaaliyeed wuxuu leeyahay 40 urur oo xubin ka ah kana shaqeysa wadanka Finland.

Waxqabadka Golaha waxaa maalgaliya Hay’ado kala duwan, Magaalada helsinki iyo wasaaradaha wadankan Finland sida ( STEA, Magaalada Helsinki, wasaarada shaqada iyo shaqaalaha, wasaarada waxbarashada iyo kuwo kaleba. Dhaqaalaha golaha waxaa kaloo kamid ah lacagta xubinimada oo ay bixiyaan ururada iyo shakhsiyada golaha xubnaha ka ah.

Faahfaafin dheeraad ah waxaad ka akhrisan kartaa qaybta luuqada finnishka.

Istaraatijiyad

Ilaa 2020 waxaa xooga la saarayaa.

  • In golaha shaqadiisu iyo saameyntiisu gaadho gobollada kala duwan ee wadanka Finland annogoo la kaashaneyna ururada ka howl gala gobollada. Shaqada guud ee golahana la sii xoojiyo, wada shaqeyntana ururadana la sii xoojiyo.
  • In dhallinyarada iyo haweenka la dhiiri galiyo sidey uga mid noqon lahaayeen goobaha ay go’aamadu ka dhacaan.
  • In goluhu noqdo mid la yaqaanno laguna kalsoonyahay
  • In goluhu ka shaqeeyo sidey dadka soomaaliyed ula qabsan lahaayeen wadanka Finalnd iyo in goluhu ka hortago nacaybka iyo fikirada khaldan ee laga aaminsan yahay soomaalida.
  • In goluhu xoojiyo wada shaqeynta caalamiga ah.