Mashruuca Nololmaalmeedka wanaagsan ee qoysaska Soomaalida Finland furriinka kaddib SAVIOR waa Mashruuc qayb ka ah Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland, kaas oo ay taageereyso STEA sannadaha 2022–2024. socondoonaa sadex sano.
Mashruuca waxaa loogu talaggalay qoysaska Soomaalida Finland ee u baahan, in laga taageero helitaanka xal shaqaynaya, nololmaalmeedka isbeddelay ee uu furiinku sababay kaddib.
Habab kala duwan ayaa qoysaska loo taageerayaa, sida in macluumaad loo qeybiyo iyo waxqabad kooxeed wadajir ah oo loo qabanqaabinayo. Waxaa kale oo inta uu mashruucu socdo la diyaarinayaa buug hage ah oo ku qoran luqadda Finnishka iyo Soomaaliga, kaas oo waalidiinta loogu talaggalay.
Bogaggani waxaan ku soo ururinaynaa macluumaadka iyo qorshe howleedka la xidhiidha mashruuca. Dayrta 2022, qorshaha mashruucu oo yeelan doonaa saddex tiir oo kala ah:
Muxaadarooyin iyo madallo kale oo looga hadlayo mowduucyada kala duwan ee uu mashruucu ka koobanyahay.
Kooxda aabayaasha iyo carruurta wuxuu bilaamayaa 13.9.2022 talaado kasta 12-15
Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay aabayaasha iyo carruurtooda. Fursad lagula kulmi karo aabayaal iyo carruur kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda iyo xoojinta doorka uu aabuhu ku leeyahay nolosha carruurtiisa.
Kooxda hooyooyinka waxay bilaamaa 14.9.2022 arbaco kasta 12-15
Waxqabad si wadajir ah loo qorsheeyay oo loogu talaggalay hooyooyinka. Fursad lagula kulmi karo hooyooyin kale islamarkaasna lagu heli karo taageerada khibrad wadaagga. Hadafku waa taageeridda nololwanaagga iyo awoodda waxqabadka hooyooyinka ee nololmaalmeedka caadiga ah. Inta lagu jiro kulamada kooxaha, waxaa hooyooyinka loo haynayaa carruurta.
Waxaa lagu bilaabi doonaa bilowga hore xarunta Golaha Midnimada Soomaaliyeed ee Finland (Somaliliiitto) Haukilahdenkatu 2D, 00550 Helsinki, kooxaha aaaa ka rashan doona meelaha xigga ee lagu qabdoono kulamada xiga.
Waxaa qorsheysan muxaadaro laqaban doono
10/10/2022, Legal Lounge: kuna saabsan Furriinka marka loo eego sharciga Finland
Waxaa kale aan bixinaynaa talabixin khadka telefoonka iyo chat:ka ah oo dalka oo dhan ah, talabixintaas oo laga helayo macluumaadka iyo hagitaanka adeegyada.
Chat:ka waxaa ka soo gali kartaa bogga somaliliitto.fi
Talabixinta khadka telefoonka waxaa ka heli kartaa qoybta hoose:
Af somali: 050 569 6078
Finnish: 050 566 3318.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan munaasabadaha, kooxaha iyo jadwallada waxaa laga helayaa bogagga shabakadda Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland iyo baraha bulshada ee ururka.
Waxqabadka mashuurca SAVIOR kusoo dhowow gacmo furan iyo qalbi furan.
Shaqaalaha mashruuca nala soo xiriir:
Iskuduwaha mashruuca Nina Koivuniemi
nina.koivuniemi@somaliliitto.fi
050 566 3318
Shaqalaha mashruuca Shugri Mohamed
shugri.mohamed@somaliliitto.fi
050 569 6078