Blogin voit lukea tiivistettynä suomen kielellä alempaa.
Soomaalida qurabaha ku nool meel ay joogaanba, waxa ugu badan ee goobaha laysugu yimaado looga doodo ama looga sheekeysto waa siyaasadda Soomaaliya iyo qaybaheeda kala duwan. Waxaa yaab leh inaan doodahaas siyaasadeed aanay ka soo bixin wax waxtaraya Soomaalida gudaha ku nool iyo kuwa dibadda ku nool labadaba. Taas badalkeeda waxay doodahaas sababaan qaybsanaan iyo is nacid dhex marta intii markaas meel ku wada nool. Waxaa mudan in la isweydiiyo sababta aynu ummad ahaan sidaas u nahay, oo aynu u garan weynay inaan doodaha siyaasadeed iska dayno amaba aynu doodaha ka dhalinno oo aynu ka soo saarno wax faa’iido inoo leh.
In kastoo sababta uu qof waliba si u arki karo, aniga waxay ila tahay inay kuwan soo socda ugu muhiimsan yihiin:
- Waxaa yar aqoonta aynu u leenahay waxa aynu ka doodayno.
- Doodda kama lihin hadaf ama ujeeddo aan ahayn, qofkaad la doodaysid iska dhici oo ha ku fikrad noqon.
- Qof waliba doodda ka hor ayuu go’aan soo qaatay, sidaa darted daliil iyo caddayn kastoo la keeno inta dooddu socoto, lagama yaabo inuu go’aankaas qofku ka tanaasulo ama badalo.
- Doodda ama mowqifka qofka doodaya kuma dhisna aqoon, caddayn ama suurtogalnimo, laakiin waxay ku dhisan tahay tolkay muxuu qabaa ama rabaa, siyaasiga reerkeygu muxuu sheegay inay u fiican tahay isaga, waxay aniga ila tahay, iwm.
- Ma naqaan waxa inoo dan ah ummad ahaan iyo qof ahaanba. Waxaa naga maqan dareenka ummadeed ama waddaniyadeed ee oranaysa waxaynu nahay isku dan, waa isu baahannahay oo ma kala maaranno si kastoo aynu fikradda ugu kala duwan nahay, waxaan isku leenahay wax is tarid iyo isu hiilin iwm, waxaa aniga i xiga qofkii ila dan ah ama wax ii kordhinaya, iwm.
Maadaama siyaasadda Soomaaliya aysan wax badan qurba joogta ka khusayn, sow ma fiicna inaynu qaadanno Soomaalidii hore ee gobta ahayd taladeedii oranaysay “Ragba waa ku raqdeed” oo macnuhu yahay, qof waliba waxa laga rabaa inuu ka taliyo meesha uu joogo hawsha taal, ee aanu ku mashquulin meel uusan joogin ama uusan wax ka qaban karin. Finland waxaa soo socota doorasho aad u muhiim ah oo ama dhib inoo keeni karta ummad ahaan ama dheef inoo keeni karta, taasoo ku xiran hadba cidda guuleysata. Waxaa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin doorashada ku galaya oo kaliya inay ina dhibaateeyaan haddii ay guuleystaan. Ma dareensannahay ummad ahaan in waxa lagu dagaalamayo ay cod uun yihiin, oo haddii aynaan codkeena isku difaacin, dad kale codkooda kugu dhibaateynayaan?
Waa laga yaabaa inaynu is weydiinno aan codeynee yaan u codeynaa?
Jawaabta su’aashaas dabcan qofba meel ayuu la aadi doonaa, haddaanse anigu ra’yigayga kaga jawaabo, inta aynaan qof magacaabin, waxaynu u baahannahay inaynu isku aragti ka noqonno waxyaalahan soo socda:
- Maxaa wax lagu doortaa?:Wadankan aynu joogno iyo adduunyada nidaamka doorashada xorta ahi ka jiro, badanaa qofka waxaa ka horeeya xisbiga uu ka tirsan yahay qofka aad u codeynayso, oo haddii ahdaafta uu xisbigaas u taagan yahay ama dadka uu masaalixdiisa ka shaqaynayo aadan dabaqad ahaan ka tirsanayn, ma jiri karto sabab aad codkaaga u siiso xisbigaas, qofka ka tirsan walaalkaaba ha haadee. Sidaa darted waa inay kala garanno xisbiyada dalka, kuwee baa dabaqadda aynu ummad ahaan ka tirsannahay wax u ogol ama aan cadaawad gaar ah inoo qabin, iyo xisbiyada aan wax dan ah inoo hayn amaba lidka innagu ah.
- Qofkee la doortaa, ujeedadeese loo doortaa?: Qofku markii uu ka tirsan yahay xisbi loo codeyn karo oo aan danteena ka dhex arki karno, waa in la qiimeeyo dadnimadiisa, aqoontiisa, kalsoonida lagu qabi karo inuu ka shaqeeyo masaalixda dadka doortay ama uu matalo. Waa in laga gudbo in la eego yuu yahay, saaxiib ayaan nahay ama waan is naqaan. Waa inaynu ogaanno qofka aad dooranayso waxaad u dooranaysaa dantaada iyo inuu wax ku taro. Waa garasho xumo inaad dantaada ka hormariso waxyaalo aan macno lahayn amaba aan jirin, dhibaatana kuu keenaya. Ogowna tolkaagu dhibaatada ku haysata waxba kama galin oo kuu hiilin maayo.
- Yaa Fursad heli kara?: Baarlamaanka Finland in la galo, waxaa loo baahan yahay codad aad u badan, suurtagalna maaha inaynu doorano dad badan oo guuleysan kara, sidaa darteed, labadii qodob oo hore dadka soo buuxiya, waa in la eego siday u kala fursad badan yihiin, oo laysugu tago qofkii loo maleeyo inuu ugu fursad badan yahay musharixiinta.
- In la isu tanaasulo:Musharaxiinta Soomaalida ahi waa inay u fakaraan soomaalinnimo, oo ay fahmaan kana shaqeeyaan, sidii aynu u heli lahayn qof soomaali ah oo ina matala, ina difaaca, danaheenana ka shaqeeya. Maadaama aysan suuragal ahayn in dad badan ay guuleysataan, waa in seddexda qodob ee kor ku qoran la tixgaliyo, oo ay u tanaasulaan qofka seddexdaas qodob ee kore soo buuxiyey. Haddii ay dhacdo in la isu tanaasuli waayo, waxay calaamad u tahay inaan dan ummadeed laysu sharixin ee qof waliba uu dantiisa gaarka ah u socdo. Hadday taasi dhacdo ummad ahaan waa inaan dooranayo qofka ugu habboon ee soo buuxiyey seddexda qodob ee ugu horeeya, inta kalena laga haraa, maaddaama aynaan isku dan ahayn.
Afartaas qodob, waxaan aaminsanahay inay ii sahli karaan inaan u codeeyo qof soomaali ah oo aan dantayda u dirsado. Haddiise aynu ummad ahaan ku guuldareysanno inaynu arintaas garanno oo la waayo qof soomaali ah, waxaa furnaan kara inaan ummad ahaan heshiis la galno dad kale oo heli kara fursad ay ku guuleysan karaan, isla markaana diyaar u ah inay danaheenna ilaaliyaan.
Gabogabadii waxaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland u soo jeedinayaa inay baraarugaan, garaadsadaan, noqdaanna kuwa garta dantooda iyo duruufaha badan ee ku haysta Finland, kana fakaraan sidii ay uga bixi lahaayeen oo ay ugu horeyso midnimo iyo isu duubni. Waxaan kale oo ku talinayaa inaynaan ku mashquulin waxa Soomaaliya ka dhacaya ee aan u soo jeensanno Finland iyo sidaynu ugu noolaan lahayn uguna badbaadi lahayn.
Suomeksi:
Eduskuntavaalit lähestyvät, puolueet ja poliitikot yrittävät keksiä vaaliteemoja ja keinoja, joiden avulla voidaan mahdollisesti saada paljon ääniä. Puolueesta riippuen, osa lähtee kisaan, ajatellen Suomen tulevaisuutta ja hyvinvointia, kun taas osa yrittää saada ääniä keinolla millä hyvänsä vaikka valehtelemalla, pelottelemalla ja jakamalla Suomen yhteiskuntaa kahtia. Äänestäminen on yksi kansalaisen tärkeimmistä tehtävistä ja ehkä suurin valta. Äänestämällä, he päättävät mihin suuntaan Suomi menee.
Somalitaustaisten poliitikkojen määrä on ollut viime aikoina kasvussa ja moni on ehdokkaana eduskuntavaaleissa. Mutta ongelmana on se, että kaikki haluavat saada Suomen somaliyhteisön ääniä. Toisaalta Suomen somaliyhteisö ei vielä ole täysin yhtenäinen, joten ei ole helppoa, että kaikki äänet menisivät yhdelle ehdokkaalle tai puolueelle. On surullista, että yhteisön jakautumisessa ei ole mitään tekemisistä Suomen tai Suomen politiikan kanssa, vaan Somaliassa tapahtuvien asioiden kanssa! Miksi ihmeessä Somalian ongelmat vaikuttavat edelleen meihin, kun juuri näiden ongelmien takia sieltä lähdettiin pois? Jos haluamme parantaa asemaamme Suomessa, meidän on ymmärrettävä, että kuulumme Suomen yhteiskuntaan ja meidän tulevaisuutemme on täällä, toivottaen tietenkin Somalialle kaikkea hyvää.
Suomen eduskuntaan pääseminen ei ole helppoa, siihen tarvitaan aika paljon ääniä. Suomen somaliyhteisön keskuudessa puhutaan aika paljon kuka olisi paras ehdokas, ketä voidaan mahdollisesti äänestää tai äänestetäänkö lainkaan. Kysytään millä perusteella voisin valita ehdokkaista.
Minä ainakin valitsen ketä minä äänestän näillä perusteilla:
- Puolueen perusteella: Puolueen arvot ja vaaliteema
- Ehdokkaan ominaisuuksien, kokemuksen ja osaamisen perusteella
- Ehdokkaan mahdollisuuksien perusteella
- Toivon myös, ettei ole somalipoliitikkojen kilpailua
Jos näiden kriteerien avulla yhteisö ei pysty valitsemaan omaa ehdokasta, sitten toinen vaihtoehto olisi tukea yhteisön ulkopuolelta tulevaa ehdokasta.

Jama Ismail, Suomen somalialaisten liiton järjestökoordinaattori.
Blogissa esitetyt mielipiteet ovat kirjoittajan omia eivätkä välttämättä edusta Suomen somalialaisten liiton virallista linjaa.
Kommenttien kirjoittaminen edellyttää että olet kirjautunut.