Somalian Energian Ministeri Abdulkadir Mohamed Diesow vieraili Somaliliitossa 11.9.2011
Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finald ujeedanu waxay ahayd sidii wax loogu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu aafaysay iyo in ka xukuumada ahaan ay kawada shaqeeyaan howlaha samalka ee lagu gar gaarayo qaxootiga Soomaaliyeed .
Ugu horaytii shirka waxaa furay gudoomiyaha ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland Eng:Cabdirashiid Cawad Diiye waxa uu hadal kiisa ku furay waxaa maanta marti inoo ah Wasiirka Macdanta iyo Biyaha wuxuuna ka mid yahay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland ,waxaan filayaa in aad wada taqaanaan intiina badan ,waxaan ku faraxsanahay in xubin ka mid ah rer Finland uu ka midnoqday golaha xukuumada Soomaaliya ,waxaan filayaa in ay arin aynu ku faani karno haddii aynu nahay Soomaalida Finland.Intaas kadib waxaan hadlka ku wareejinayaa Wasiirka ee ku soo dhawaada.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Cabdiqaadir Maxamed Dhicisow ayaa hadal kiisii ku furay guud ahaan waad salaaman tihiin walaalayaal haddii aad tihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland oo aan Anigu ka mid ahay , waxaan filayaa in aanan ahayn Nin marti ku ah Finland ee waxaan ahay walaal kiinii idinla joogay Finland ,balse waxaan idiin kugu imad waxay tahay in aan xog idin ka siiyo xukuumad aan ka mid ahay intii aan idin ku dhaamo , waxaan filayaa in intabadan aad dhagaysataan idaacadaha amaba aad daawataan Tv-yada Soomaaliyeed oo aad ka dharagsan tihiin xaalada dalku uu marayo .
Walaalayaal xaalada dalka gaar ahaan Koofurta xaalkeedu meel fiican ayey maraysaa ,oo waad la socotaa in xamar inteedii badnay ay gacanta dowladda ay ku jirto , dadkii ka barakacay guryahoodii ay dib u bilaabeen inay ku soo noqdaan , taasna waxay ka mid tahay guulaha aan ku faani karno ka xukuumad ahaan .
waxaa kaloo jira in dalka ay aafaysay abaar xoogan qaxooti farabadna ay yimaadeen xamar iyo gobolada u dhawdhow , xukuumadana ay magacoday hay,adda badbaadinta dadka tabaalaysan , waxayna dowladu samaysay kaamam dadka lagu quudiyo iyadoo ay gacan ka gaystaan dalalka muslimka oo ay ugu horeeyaan ,Turkiga,Kuwait, iyo hay,addaha UNka , sidoo kale Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbo joogta oo iyaguna kaalin xoog leh ka gaystay in la samatabixiyo dadka abaartu aafaysay ee Soomaaliyeed .
Sidaasi daraadeed haddii aad tihiin Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland waxaa la idin karabaa in aad ka qayb qaadataan gurmadka abaaraha ee wax loogu qabanayo dadkiina Soomaaliyeed , waana aamin sanahay in aad qayb libaaxle ka qaadan doontaan, maxaa yeelay waxaan idinku aqaanay dad tayo leh oo Soomaalinimadu ku weyn tahay maantana lama joogo meeshii lagu kala hari lahaa.
waxaa isna kulan kaasi ka qayb galay xubin sare oo ka mid ah xukuumada isla mar ahaantaasna u qaabilsan amaanka madaxtooyada Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Maxamed oo isna ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Finland oo naftiisa u huray in uu la qaybsado walaalihiisa Soomaaliyeed ugana faa,iideeyo qibradiisa shaqo.Maxamed Xasan waxa uu fasax ku joogaa magaalada Helsinki waxaana war bixin tiisa ka mid ahayd in maanta dadku u baahan yahay dadka qurba joogta ah kuwooda cilmiga bartay in ay dalkooda ka soo shaqeeyaan oo dadka Soomaaliyeed jahliga laga saaro , wuxuuna sheegay in uu isagu balan qaadayo amaanka dadka qurba joogta ah oo dalkooda wax uqabanayo , waxaana hadalkiisa ka mid ahaa Anigu ma filaayo cid iga fulaysan in ay jirto haddana waxaa go,aan saday in aan dadkeyga xanuunka la qaybsado ,ajasha illaahay ayaa qoray xiligeeda ee walaalayaal waxaan ku talinayaa in aan wada noqono oo aan dadkeena wax ubaqano .
Prof: Axmed Weheliye( Xiji) ayaa isna ka mid ahaa xubnihii kulan kaasi ka qayb galay waxa uu yiri , Soomaaliya waxay ahaaan jirtay dal xur ah oo horumar fiican soo maray waxaana dhibkan nagaar siiyay dowlado shisheeye .Adeerayaal waxxaan soo marnay waxaa og inta ila da,da ah dadka hadda soo korayna wax kama sheegi karaan wanaagii iyo dowlad nimaddii aan soo marnay ,si kastaba ha ahaatee waxaan qabaa dalka in aan lagu fiirsan Nimaka Al-shabaab iyo wixii la hal maala , xukuumada dalka ka jirta iyo kuwa imaan doonana la shaqeeyo ,arinta gurmadka abaarahana aan ka jaaliyad ahaan aan wax ku darsano intaas ayaan idiin dar daar mayaa waadna mahasantihiin
Isku soo wada duuduuboo kulankan ayaa ahaa mid looga hadlay arrimo dhoow ah oo ay ugu mihiim sanayd in laga qaby qaato gurmadka abaaraha Soomaaliya waaxana lagu balamay in 24 bishan sagaalaad la qabto ololo weyn oo ay hurmuud ka tahay ururka midniamada Soomaaliyeed ee Finland ,waxaana ka mid ahaa xubnihii goobtaasi ka hadlay Dr.Muliki Molas ,Cabdirsaaq,Xaaji Cumar ,Xaaji Yuusuf Geedi Eng: Deeq ,Asad Caalin ,Xuseen Ladane iyo indheed gar wuxuuna ku soo idlaaday jawi heersara ah.
Mohamed Bashir
Kommenttien kirjoittaminen edellyttää että olet kirjautunut.