Ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee Finland oo kulan la qaatay qaar ka tirsan hay,addaha dowladda Finland(+Sawirro)

 

Alueryhmän kokous Somaliliitossa

Kulankan waxa uu ku saabsanaa isbarsho hay,addaha dowlada qaar ka mid ah oo aan horay u aqoon xafiiska jaaliyadda Somaliitto iyo sida ugu haboon ee loo wada shaqayn karo.

Ururka midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto-ry ayaa warbixin kooban siiyay hay,addaha dowdlada ee ka soo qayb galay kulan ka dhacay xafiiska Somaliliitto .

Gudoomiyaha ururka Somaliliitto Eng: Cabdirashiid Cawad Diirye ayaa ka waramay waxqabaka ururka Somaliliitto isagoo sheegay in ururka Somaliitto uu wakiil ka yahay dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo hadda tikoobkii ugu danbeeyay gaaraar siisan 13000 iyo in aan iskaashi xoogan yeelano  hay,addaha dowlada    sidii aan uga  wada shaqayno  howlaha quseeya Jaaliyadda Soomaliyeed haddana waxaan xiriir wanaagsan leenahay hay,addaha dowladda qaar badan oo kamid ah sida , wasaarada arrimaha dibadda Ulko-ministeri, Booliska-Poliisi, Magaalada Helsinki-Helsinki-Koupinki, Hay.adda laan qayrta cas-Punainen Risti iyo kuwo aan qoraal lagu soo koobi karin.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay hay,addaha dowlada oo aan qiyaas lahay, waxaana lagu kala qaatay warbixinno muhiim ah waxay ahayd sidii wadashaqayn buuxda uwada yeelan lahaayeen ururka Somaliliitto iyo hay,addaha dowlada iyo dhamaan ururrada diyaarka u ah wadashaqata waxaana lagu balamay in bil walba aaqirkeeda kulan caynkan oo kala uu kadhaco xafiiska Somaliitto, iyadoo guud ahaan xubnihii ka soo qayb-galay ay ku qanceen kulankan.  ( Hoos ka daawo sawirradda )

Mohamed Bashir